Maxamed bin Salmaan oo dharbaaxo siyaasadeed ku dhuftay madaxweyne Biden

Riyadh (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden ayaa Khamiistii qirtay inuu guuldarreystay mid ka mid ah khamaar siyaasadeedkiisii arrimaha dibedda ee ugu weynaa uguna bahdilka badnaa oo ah; salaan gacan-duubkii uu la yeeshay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salmaan oo lala xiriiriyo xadgudubyo ka dhan xuquuqda aadanaha.

Kulankii yaabka lahaa ee Biden uu July la yeeshay Maxamed Bin Salmaan ayaa ahaa isku day uu ku hagaajinayey xiriirka quwadda ugu saameynta badan shidaalka caalamka, xilli Mareykanka uu raadinayey caawimaad la xiriirta sare u kaca shidaalka ee ka dhashay duulaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine.

Salaan gacan-duubkaas dhacay saddex bil kahor waxaa xigay dharbaaxo weji oo toddobaadkan ka timid Amiir Maxamed, taasi oo ah: dalalka OPEC+ ee shidaalka soo saara iyo Ruushka oo dhimay wax soo-saarka.

Tallaabadan ayaa sare u qaadeysa qiimaha shidaalka kana careysiin doonta cod-bixiyayaasha Mareykanka kahor doorashada dhexe ee Mareykanka ee dhacaysa November, taasi oo wiiqeysa rajadii Biden iyo Dimoqraadiga.

Mar wax laga weydiiyey ficillada Sacuudiga, Biden ayaa weriyayaasha u sheegay Khamiistii “Inay aheyd niyadjab, ayna muujineyso inay dhibaato ka jirto” xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga.

Xubno Dimoqraadi ah oo ka tirsan Congress-ka ayaa Mareykanka ugu baaqay Khamiistii inuu joojiyo siyaasadda tobaneeyada sano jirta ee Mareykanka uu hubka uga iibiyo Sacuudiga, kuna siiyo ilaalinta militari.

Waxay ku eedeeyeen Amiir Maxamed inuu isaga joojiyey inuu dhanka Sacuudiga ka ilaaliyo iskaashigan istaraatiijiga ah ee jiray in ka badan 70 sano.

Xiriirkan ayaa ku saleysan in Mareykanka uu boqortooyada ka ilaaliyo cadowga dibedda, islamarkaana Sacuudiga uu suuqyada caalamka siiyo shidaal ku filan si loo xasiliyo.

Ku-baaqista dhimista wax soo-saarka shidaalka waa “ficil cadaawad ah”, waxaa sidaas yiri Tom Malinowski oo ah dimoqraadi ka tirsan Aqalka Wakiilada Mareykanka oo isaga iyo laba xildhibaan oo kale ay qoreen sharci ku baaqaya in ciidamada Mareykanka iyo habka difaaca gantaallada laga soo saaro Sacuudiga.

“Waxa Sacuudiga ay sameeyeen si ay uga caawiyaan Putin inuu sii wado dagaalkiisa laga yaqsiyoodo ee ka dhanka ah Ukraine waxaa weligeed xusuusan doona dadka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri hoggaamiyaha aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka Chuck Schumer.

“Waxaan eegeynaa dhammaan hababka sharciga ah ee aan kula tacaaleyno ficilkan xun ee daneysiga ah,” ayuu yiri.

Mareykanka iminka wax qorshe ah kama lahan inuu shaqaalihiisa militari kala soo baxo Sacuudi Carabiya, waxaa sidaas yiri afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka Vedant Patel.

Congress-ka iyo xubnaha maamulka Biden ayaa ka falcelinyey dhimis ka badan intii la filayey oo ah laba milyan oo barmiil maalintii oo wax soo-saarka saliidda cayriin ay ku sameeyeen dalalka OPEC+ ee ay hoggaamiyaan Sacuudiga iyo Ruushka.

Dhimistan ayaa sare u qaadi doonta qiimaha shidaalka, waxayna xoojin doontaa dakhliga shidaalka kasoo gala Ruushka, oo u adeegsanaya dagaalka ka dhanka ah Ukraine, inkasta oo Reer Galbeedka ay xayiraado saareen.

Wasiirka shidaalka Sacuudiga Abdulaziz bin Salman, oo ah wiilka ka yar dhaxal-sugaha, ayaa kulankii OPEC+ ku adkeystay inaysan “cadaawad ku jirin,” tallaabada ay qaadeen.

AP, VOA