Daawo C/casiis Laftagareen: Ma dhici doonto in Shabaab ay iska soo saaraan Soomaaliya oo dhan ay noo yimaadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen oo ka hadlay kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sheegay in maamulkiisa uu door muhiim ah ka qaadan karo dagaalka lagula jiro argagixisada.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dhibaatada u weyn ee maamulkiisa haysata ay tahay Al-Shabaab, islamarkaana ay iska dhici doonaan cadowga.

“Ma dhici doonto inay Soomaaliya oo dhan iska soo saaran Al-Shabaab oo ay anaga nagu hakadaan oo ay Koonfur Galbeed noqoto god bahalo galeen ah, Shacab iyo Dowlad marnaba ma yeelayo. Ma noqon doonto meel ayaga go’doon u ahaan doonto waligeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku dhawaaqay in lasii labo jibaari doono howl-galada ka dhan ah argagixisada ee ka socda Koonfur Galbeed, isaga oo ugu baaqay qeybaha kala duwan ee maamulkiisa inay iska kaashadaan dagaalka.

“Waa in aan isku abaabulno sidii aan iskaga dhicin laheyn Al-Shabaab, Nin walba meeshiisa ayuu gurmadka ku gaari doona oo jidadka isku furmaya. Habeen iyo Maalin waa in aan u istaagno xoreynta deegaanada sida dadka kale ee Soomaaliyeed ugu taagan yihiin.”

Lafta-gareen ayaa ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in Al-Shabaab uu waqtigiisa uu dhamaaday, ayna si wada-jir ah u istaagi doonaan sidii ay isku dhaafin lahaayeen argagixisada.

Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa waxaa isa-soo tarayay maamulada iyo qabaa’iilada kusoo biiraya dagaalka, kaasi oo illa hadda lagu xoreeyay deegaano badan oo sanadihii dambe ay gacanta ku haysay Al-Shabaab.