Dhageyso: Macalimuu oo dood adag ka keenay qaabkii maanta loo toogtay askariga 

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa dood ka keenay hanaankii ay maanta maxkamadda ciidamada Soomaaliya u fulisay qisaasta askarigii horay u dilay Taliyihiisa, kaas oo kiiskiisa lagu soo gabagabeeyey mudo todobaad ah.

Macalimuu oo ugu horeyn qoraal ka soo saaray ariintaas ayaa yiri, “Qofkii qof dila in la dilo shareecada Islaamka ayaa qabta, raali baanan ka nahay . Waxaa naga maqan oo aan Dowladda Federaalka Soomaaliya weydiisaneynaa meydka wiilkaas la toogtay si aan u aasanno. Waxa aan xaq u laheyn in naloo sheego in la tooganayo si la mid ah sida ay xaadir u ahaayeen qoyska wax loo qisaasayay, mana dhicin.” 

Xildhibaan Macalimuu oo isku heyb ay yihiin askariga maanta la qisaasay ayaa intaas ku sii daray, “Meesha ay toogashadu ka dhacday ma aheyn caadiyan meelaha dadka dadka lagu toogto oo xero ciidan ayaa la geystay.” 

Ugu dambeyntii Macalimuu ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Sharciga waa in loo sinnaado. Wiilkaa meydkiisa hadaan heli weyno, waxeey ka dhignaan doontaa ku tagri fal awoodeed iyo dhaqan cusub oo bilowday.”

Intaas kadib TV-ga Somali Cable ayaa Xildhibaan Macalimuu ka wareystay waxa ay salka ku heysto tabashadooda, maadaama ay ku qanacsan yihiin xukunka, wuxuuna sheegay in reerka askariga la toogtay aysan waxaba kala socon wixii maanta dhacay.

Askariga ayaa lagu dhex toogtay xerada Jeneraal Goordan ee degmada Hodan, halkaas oo 29-kii September uu ku dhex dilay tliyihiisii, waxaana meydkiisa lagu aasay Isbitaalka Ciidanka Xoogga, iyadoo lagu garab aasay Taliyihiisii uu horay u dilay.

Xildhibaan Maxamed Macalimuu ayaa wareysigaan ku sheegay in askariga la qisaasay laga qariyey reerkiisa oo la beeleeyey kiiskaan, isla markaana waalidiinta laga qariyey fulinta qisaasta iyo duugista wiilkooda, halka ay goobjoog ahaayeen reerka kale ee ninka loo qisaasay.

Maxkamadda Ciidamada ayuu Macalimuu aad ugu dhaleeceeyey arrintaan, isagoo sheegay in xukunka fulintiisa sida uu u dhacday uusan qabin sharciga dalka, iyadoo qofka la xukumo uu xaq u leeyahay racfaan, inuu diyo bixiyo iyo inuu sii noolaado ugu yaraan 40 cisho.

Hoos ka dhageyso wareysiga