AL-SHABAAB oo mar kale maanta qarxisay ceelal, dishayna xoolo iyo daanyeero

Maxaas (Caasimada Online) – Kooxda Al-shabaab ayaa galabta qaraxyo ku xirtay dhammaan ceelashii biyaha ee  deegaanada hoos taga degmada Maxaas ee gobalka Hiiraan.

Dhacdadan ayaa kusoo aaday xilli ay xoolo badan  taagnaayeen hareeraha ceelasha la qarxiyey, maadaama ay dadka reer guuraaga ah doonayeen inay xoolahooda ka waraabiyaan.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in xoolo iyo xayawaano kale oo u badan Daanyeero ceelasha la qarxiyey biyo u soo duuntay ay shirqoolkaan ku geeriyoodeen.

Sidoo kale kooxda Al-Shabaab waxaa la sheegay deegaanadaas ay maanta ka afduubatay qaar ka mid ah dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee ceelasha ay ka qarxiyeen.

Xaalad adag oo dhanka nolosha ah ayaa hadda ka jirta deegaanada dhaca bariga gobolka Hiiraan, halkaas oo dagaalo culus ay ku dhex marayaan kooxda Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo garab ka helaya dowladda dhexe iyo maamulka HirShabeelle.

Abaar, biyo la’aan iyo colaad ayaa isugu darsoontay dadka reer Hiiraan, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada dhaca bariga gobolkaas ee Maxaas hoos taga.

Al-Shabaab oo looga adkaaday dagaalka tooska ah ee ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ay kula jiraan ayaa maanta abaabushay qorshahaan ay ku qarxiyeen dhamaan ceelashii ay cabi jireen dadka reer guuraaga ah iyo duunyada ay dhaqdaan.