Daawo: Bilaal Bulshaawi oo ka waramay qaabkii loo dhaawacay iyo xaaladiisa

Muqdisho (Caasimada Online)-Cabdulqaadir Cali Maxamuud oo loo yaqaano Bilaal Bulshaawi ayaa ka warbixiyey xaaladiisa caafimaad, kadib mudo bil ah oo isbitaalka Digfeer ee Muqdisho lagu baxnaaninayey.

2-dii bishii September ayaa Bilaal Bulshaawi iyo wiil saaxiibkiis ah lagu dhaawacay maqaayad ay ku caweynayeen oo ku taalla aagga isbitaalka Banaadir, xilli habeen ah, kadib markii ay soo weerareen koox aan ilaa hadda heybtooda la garan.

Bilaal oo ka sheekeeyey dhacdadii habeenkaas ayaa sheegay in laba xabadood ay ku dhacday, balse hadda uu ka soo kabsanayo, sidoo kale wuxuu sheegay in caafimaad dalka dibadiisa ah uu u baahan yahay.

TV-ga Dalsan ayaa xaafadiisa ku soo wareystay Bilaal Bulshaawi oo hadda dhaawaciisa laga saaray isbitaalka, balse naawilaya inuu u safro dalka dibadiisa, si baxnaano caafimaad oo tan dalka dhaanta uu u helo.

Ugu dambeyntii Bilaal Bulshaawi ayaa dadka Soomaaliyeed ee uu caawi jiray, maadaama uu ka shaqey jiray howlaha samafalka wuxuu weydiistay inay ku garab istaagaan sidii ay caafimaad dalka dibadiisa ah u heli lahaayeen, isaga iyo saaxiibkiisa lala dhaawacay.

Hoos ka daawo