Maxamed Bin Salmaan oo fasaxaya in khamriga laga isticmaali karo Sacuudiga

Riyadh (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa ajaaniibta doonaya inay dalkaas maal-gashtaan u sheegay in xanibaadda saaran khamrada la qaadi doono sanadka soo socda, sida ay werisay warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka.

Bloomberg ayaa maal-qabeenno ajnabi ah oo si dhow ula shaqeeya dowladda Sacuudiga kasoo xigatay inay maqleen in dowladda ay ka shaqeeneyso sidii loo bixin lahaa shatiyo ogolaanaya in dalka lasoo geliyo khamriga.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in Xarunta Ganacsiga King Abdallah, oo ah xaafad gaar ah oo ku taalla waqooyiga magaalada Riyadh, loo ogolaan doono in khamriga lagu isticmaalo.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga waxa jawaab ah kama aysan bixin arrintan, hase yeeshee Bloomberg ayaa sheegtay in xaqiiqda ah in arrintan iminka aad loo hadal hayo ay tahay wax yaab leh.

Waxaa la filayaa in shatiyada soo dhoofinta khamriga la siiyo maqaayado iyo hoteello ku yaalla qaar ka mid ah magaalooyinka waa weyn iyo goobo loo dalxiis tago oo Sacuudiga ay ka dhisayaan xeebaha.

Inkasta oo sharciyan uu khamriga mamnuuc ka yahay Sacuudiga, haddana waxaa lagu iibiyaa suuqa madow. Waxaa sidoo kale jira khamri macmil ah oo guryaha lagu sameeyo oo dadka qaar ay isticmaalaan.

Tan iyo sanadii 2017, wxaaa Sacuudiga ka socday is-beddelo waa weyn oo uu hormuud ka yahay dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed Bin Salmaan, oo ka tagaya dhaqamo badan oo islaami ah, si uu usoo jiito maal-gashtayaasha aan muslimka ahayn, isaga oo raba inuu sare u qaado dhaqaalaha dalka.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com