Maxamed Bin Salmaan oo xiray 3 ka mid ah amiirada ugu sarreeya boqortooyada xilli ay halis soo wajahday

Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salman ayaa xiray saddex ka mid ah amiirada ugu sarreeya qoyska boqortooyada, oo ay ku jiraan boqorka walaalkiis iyo dhaxal-sugihii hore.

Tallaabadan ayaa loo arkaa mid Maxamed uu ku xajisanayo awooddiisa, iyo inuu arko halis kusoo socota.

Xarigan ayaa waxaa shaaca ka qaaday xubno ka tirsan qoyska boqortooyada oo la hadlay wargeyska New York Times. Sidoo kale sarkaal hore oo sare oo Mareykan ah ayaa xaqiijiyey xariga.

Xubnaha la xiray ayaa waxaa ugu sarreeya Amiir Axmed bin Cabdulcaziiz, oo ah walaalka ka yar boqor Salmaan, kaasi oo mar loo arkay rajada boqortooyada iyo inuusan ogolaan in Maxamed bin Salmaan uu la wareego kursiga.

Waxaa sidoo kale la xiray Amiir Maxamd bin Nayef, oo ahaa dhaxal-sugihii hore iyo wasiirkii arrimaha gudaha boqortooyada, kaasi oo xiriir wanaagsan la lahaa sirdoonka Mareykanka intii uu xilka hayey.

Bin Nayef ayaa labadii xil ee uu hayeyba waxaa ka qaaday Maxamed bin Salmaan 2017-kii, kaasi oo sidoo kale geliyey xabsi guri.

Waxaa sidoo kale la xiray walaalkiisa ka yar Amiir Nawaf bin Nayef.

Mid ka mid ah sababaha la rumeysan yahay in Maxamed bin Salmaan uu u xiray amiiradan ayaa ah gabowga aabihiis boqor Salmaan oo hadda ah 84 jir.

Waxaa loo arkaa in Maxamed bin Salman uu doonayo inuu xabsiga sii dhigo shakhsiyaadka ka hor iman kara inuu awoodda la wareego marka boqorka uu geeriyoodo ama uu kursiga iska wareejiyo.

Amiir Axmed, ayaa si kastaba horey u muujin wax astaamo ah oo uu ku damacsan yahay inuu kula loolamo Maxamed bin Salmaan.

Amiir Axmed ayaa ah walaalka kaliya ee la dhashay boqor Salmaan ee weli nool.

Dowladda Sacuudiga kama hadlin xariga xubnahan, islamarkaana safaaradda boqortooyada ee Washington oo wax laga weydiiyey waa ay diiday inay jawaab ka bixiso.