Puntland oo sharaxaad ka bixisay shirka Garoowe iyo wararkii ugu dambeeyey

Garoowe (Caasimada Online) – Wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland ayaa faah faahin dheeri ah ka bixisay shirweynaha 15 bishaan ka furmi doono magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, kaas oo looga hadlayo aayaha maamulkaasi.

Wasiirka wasaaradaasi, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi ay isugu imaan doonaan dhammaan saamileyda Puntland.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday shacabka deegaanada maamulkaasi in aysan wal-wal ka muujin shirka oo lagu miisaami doono doorka Puntland ee dowladnimada Soomaaliya.

Dhabancad ayaa sidoo kale intaasi ku daray in shirweynahaani oo qaban qaabadiisa laga dareemayo Garoowe uu yahay mid waxtar u leh Puntland.

“Shirka ka dhacaya Garoowe 15-ka bishaan waa mid waxtar u leh Puntland, yaan laga hordhicin balse aynu sugno inta uu kasoo idlaanayo, waxaana dadka ugu baaqayaa in aysan ka walwalin.” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland.

Dad badan ayaa walaac ka muujinaya qabsoomida shirkaan oo lagu soo aadiyey xilli xasaasi ah.

Shirweynahaani ayaa waxaa iclaamiyey madaxweyne Deni, wuxuuna ku soo aadaya, iyadoo haatankhilaaf uu u dhexeeyo dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.