Jurille oo shaaciyey in R/W Kheyre u qirtay in DF ay ka gardarran tahay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdirisaaq Cusmaan Jurille oo laga soo doorto Puntland ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre uu qirtay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka gardarran tahay maamulka Puntland.

Jurille oo ka qeyb-galay kulan ay qabatay dallada ururada aan dowliga ahayn ee Puntland ee Punsaa ayaa ka hadlayey xiisadda iyo khilaafka ka dhaxeeya Puntland iyo federaalka ee la xiriira waxbarashada iyo shahaadada ay dowladda u diiday ardayda Puntland.

“Anaga oo laba senator ah ayaan la kulanay ra’iisul wasaare Kheyre, wuxuuna noo sheegay inuu la hadlay madaxweyne Deni, markii ay labadooda wada-hadleen kadib wuxuu noo qiray, oo uu noo sheegay ‘Puntland waa laga gardarran yahay’,” ayuu yiri Jurille.

Jurille ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaare Kheyre uu u qiray “In Puntland habkeeda waxbarasho uu yahay mid mudan in lagaga daydo, oo dowladda goboleedyada oo dhan ay kaga daydaan, oo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay aqbasho.”

“Ra’iisul wasaaraha waxa uu yiri kadib waxaan u yeeray Goodax, waxaana ku iri, buu yiri, jooji waxa aad ka shaqeyneyso oo ah faro taag taaga iyo taleefishinada aad ka hadleyso iyo buuqan aad waddo, dalka dan uma ahan iyo inay is khilaafaan dowladda dhexe iyo Puntland,” ayuu yiri Jurille.

Cabdirisaaq Jurille ayaa sheegay in ra’iisul wasaaraha uu markaas kadib ku amray wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre inuu aado Puntland, oo uu lasoo kulmo madaxweyne Deni, heshiisna lasoo gaaro.

Jurille ayaa sheegay in markaas kadib uu la yaabay in xildhibaano kale oo reer Puntland ah ay sheegteen in ayaga ay xaliyeen khilaafkan.

Hoos ka dhageyso codka Jurille