Nicolas Berlanga oo mar kale ku wajahan Hargeysa xili uusan weli fulin qorshihiisi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Amb. Nicolas Berlanga ayaa maanta la filayaa in uu yimaado caasimada Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Nicolas ayaa Hargeysa u imanaya si uu ugu kuurgalo waxyaabaha ka qabsoomay heshiiskii uu dhowaan ka wada saxeexay Madaxweynaha Somaliland iyo xisbiyada Mucaaridka ee xiisada doorashooyinka.

Heshiiska uu Nicolas hormuudka u ahaa ee la saxeexay muddo toban maalmood ka hor ah, ayeysan u muuqan mid ay si rasmi ah wax uga hirgaleen, walow ay Mucaaridka iyo Biixi ay ku dhawaaqeen ka wada-shaqeynta hirgelinta heshiiskaasi.

Nicolas ayaa la filayaa in marka uu yimaado magaalada Hargeysa uu kulamo la qaato Madaxweynaha Somaliland iyo xisbiyada Mucaaridka, si uu u ogaado caqabadaha kale ee hortaagan hirgelinta heshiiskii laga gaadhay arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale danjiraha ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato guddigii hore ee doorashooyinka, kuwaasi oo lagu heshiiyey inay ahaadan guddi farsamo oo la shaqeeya guddiga cusub ee doorashooyinka.

Berlanga ayaa waxa kale oo la filayaa in uu keeno saddexdii xubnood ee guddiga doorashooyinka laga siiyey beesha caalamka, kuwaasi oo wararka qaar sheegayaan inay kasoo kala jeedaan wadamada Denmar, Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Heshiiskii uu dhowaan dhaliyay Nicolas oo u muuqday mid soo afjaraya khilaafka soo noq-noqday ee ka dhashay arrimaha doorashooyinka, ayaa haddana u muuqda mid aysan wali waxsi rasmi ah uga hirgelin, inkasta oo ay ka soo wareegtay waqti badan.