GAAS oo sanad kadib ku laabtay Puntland + Ujeedka

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta sanad kadib dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal, halkaasi oo sii diiran loogu soo dhoweeyey.

Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi ayaa Gaas iyo wafdigiisa uga hortagay garoonka diyaaradaha ee Garoowe.

Cabdiweli Maxamed Gaas oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu horreyn ka mahadceliyey,  soo dhoweynta loo sameeyey, wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinkiisa.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ujeedkiisa uu yahay ka qeyb galka shirweynaha 15-ka bishaan ka furmi doono magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo uu iclaamiyey madaxweynaha hadda talada haye ee Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni).

Waa socdaalkii ugu horreeyey 13 bil kadib uu Gaas ku tegayo Puntland, tan iyo markii looga adkaaday doorashadii ka dhacday maamulkaasi.

Puntland ayaa isku diyaarineyso qabashada shir looga hadlayo doorka ay ku leedahay dowladnimada Soomaaliya, kaas oo lagu marti qaaday saamileyda maamulkaasi.