Xubin kamid ah guddiga doorashada Somaliland oo laga diiday is-casilaadiisa

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid ayaa maanta si rasmiya u diiday in uu aqbalo Is-casilaadii xubintii ugu jirtay Komishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland.

Xasan Yuusuf Ducaale, oo ahaa xubintii uu xisbiga Ucid u xulay kamid noqoshada Komishanka cusub ee doorashooyinka ayaa bishii labaad ee sanadkan ku dhawaaqay in uu iska casilay xubinimadii komishanka si xal looga gaaro khilaafka doorashooyinka.

Guddoomiyaha xisbiga Ucid, Eng Faysal Cali Waraabe ayaa war qoraala oo ku socday Madaxweyne Muuse Biixi, uu ku dalbaday in aan la aqbalin is-casilada ay hore ugu dhawaaqday xubintoodii.

Guddoomiye Faysal ayaa ugu horeyntii warqadaasi ku sheegay in uusan Xasan Yuusuf Ducaale ka aqbalin Is-casilaada, maadama uu war qoraal ah oo rasmi ah u soo gudbin.

“Mudane Madaxweyne waxa si sharaf leh kaga codsanaynaa in aad adna ka aqbalin is-casilaadaas si uu shaqadii qaranka uu u hayayna uu u bilaabo” ayuu sidoo kale waraaqdaasi ku yiri Faysal .

Hoos ka aqriso waraaqdaasi