Maxamed Bin Salman oo la dhacay – Sawir gacmeed Fake ah oo laga siiyey $450 milyan

Madrid (Caasimada Online) – Sawir gacmedkii ugu qaalisanaa dunida ee abid la iibiyo ayaa waxaa hoos u dhigay madxaf aad loo qadariyo oo sheegay inaanu masawirin farshaxamiistihii caanka ahaa ee Talyaaniga Leonardo da Vinci balse uu ka ahaa goobjoog kaliya.

Sawirka oo lagu magacaabo Salvator Mundi, islamarkaana loo haystay inuu yahay farshaxan da Vinci oo lumay, ayaa waxaa sanadkii 2017 iibiyey shirkadda Christie’s ee New York, waxaana $450 milyan ku gatay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman. 

Hase yeeshee, madxafka Prado ee magaalada Madrid ayaa shaaciyey in sawirkaas uu yahay mid uu Leonardo da Vinci amray ama goobjoog ka ahaa sameyntiisa, balse isaga aanu gacantiisa ku sameyn.

Shaac ka qaadista uu sameeyey madxafkad qaranka ee Museo Nacional del Prado, oo ah kan ugu weyn ee sawir gacmeedyada ee dalka Spain, ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta qiimaha sawirkaas.

Waxay tani ka dhigan tahay, in ayada oo markii horeba dunida ay la yaabtay in Maxamed Bin Salman uu sawir gacmeed ka bixiyo $450 milyan, uu hadda haysto mid aan aheyn sidii looga iibiyey. 

Sida uu shaaciyey wargeyska The Art Newspaper, hoos u dhigidda Prado ayaa “ah falcelintii ugu weyneyd ee lagu sameeyo sawrika tan iyo markii ay ay iibisay Christie’s”

“Waxaa jirtay mar Leonardo ay ku adkaatay inuu wax sawiro sababo la xiriirka mashquulkiisa, waxaana shaqadan qaatay qaar ka mid ardaydiisa,” ayuu yiri madxafka Museo Nacional del Prado. 

Salvator Mundi waxaa la rumeysan yahay in la sawiray intii u dhaxeysay 1499 illaa 1510-kii. 

Sawirka ayaa waxaa sanadii 2005 soo gatay ganacsade farshaxan oo ka bixiyey kaliya $1,175 (Kun boqol toddobaatan iyo shan), waxaana kadib lagu sameeyey dayactir. 

Ganacsade shidaala oo Russian ah ayaa 2011 wuxuu 127.5 milyan oo dollar kaga gatay keydka sawirrada qaranka ee London. 

Waxaa kadib lagu iibixiyey xaraash ka dhacay xarunta Christies ee New York 2017-kii, waxaana 450 milyan oo dollar ku iibsaday qof la sheegay inuu wakil ka ahaa Maxamed Bin Salman.