Senator YUUSUF GEELLE oo iska casilay AQALKA SARE

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo dadku badi u yaqanaan Dhageey Geelle ayaa ka tagay kursigii Aqalka Sare ee dhawaan dib loogu doortay.

Warqad uu 15-kii bishan u diray madaxweynaha Galmudug, oo ay heshay Caasimada Online, ayuu sababta uu kursiga isaga casilay waxaa uu ku sheegay inuu rabo inuu reerkiisa ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta.

“Anigoo dareensan mas’uuliyadda iga saaran dalka, gaar ahaan Galmudug oo aan matalo iyo reerka aan kursiga xisaabtooda ku fadhiyay, anigoo raba in bulshadu kuwada qanacdo hab maamulka madaxda Galmudug, anigoo jecel in la daaweeyo dhammaan walaallaha kursigan ka dhaxeeyo, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kursigii Aqalka Sare ee dib la iigu doortay 12-kii bishii August ee sanadkan, si aan tolkeyga dhexdiisa uga abuuro jawi siyaasadeed oo caafimaad baba,” ayuu Senator dhagey ku yiri qoraalka uu isku casilay.

“Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, guddoonka baarlamanka Galmudug iyo dhammaan xildhibaannada waxaan idinka rajeynaya in aad aqbali doontaan is-casilaadeyda iyo inaad dib ugu laaban doontan reerkii kursigan xisaabta u lahaa si loo helo xubintii buuxin laheyd booskan,” ayuu sii raaciyey.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, Dhagey ayaa la filayaa inuu u tartamo Aqalka Hoose, waxaana la filayaa inuu kamid noqdo shanta xubin ee uu maanta ku dhawaaqayo guddiga doorashada Galmudug.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda uu isku casilay oo ay nuqul kamida heshay Caasimadda Online