GALMUDUG oo shaacisay kuraasta ugu horreysa ee ay doorashadooda qabaneyso

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee Galmudug ayaa goor dhow shaaciyey liiska kuraasta ugu horreyso ee doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee ka imaanaya maamulkaasi, isla-markaana lagu dooranayo deegaanada maamulkaasi.

Warqad kasoo baxday guddiga ayaa waxaa lagu shaaciyey illaa 5 kursi oo lambaradooda ay kala yihiin HOP#043, HOP#054 ,HOP#104, HOP#067 iyo HOP#026, kuwaas oo ay horay ugu kala fadhiyeen xildhibaanada kala ah Xuseen Qaasim Yuusuf, Cabdishakur Cali Mire, Mahad Cabdalle Cawad, Cabdullahi Cali Axmed (Cadow Cali Gees) & Ikraan Aadan Absuge.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in maalmaha soo socda la guda-geli doono qabashada doorashada shantaasi kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

Guddiga ayaa sidoo kale tilmaamay in maanta wixii ka dambeeya uu guda-gali doono diiwaan-gelinta odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo ergada wax dooraneysa.

Arrintan ayaa daba socota khudbaddii uu xalay jeediyey Qoor Qoor oo ku dhawaaqay in maamulkiisa uu qabanayo doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka.

“Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Galmudug, waxaan diyaar u nahay in aan maalinta barri ah guda gali doono 5-ta xubnood ee ugu horreysa doorashada Aqalka hoose. Guddiga doorashada ayaan ka sugeynaa dardargelinta doorashada golaha shacabka BFS,” ayuu yiri.

Si kastaba, waxaa shaacinta liiska shantan kursi ka imaanaya Galmudug ay ku soo aadeysaa, iyada oo haatan Rooble uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb.