Maxamed Cali Ameeriko oo xilka laga qaaday & 5 safiir cusub oo la magacaabay + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiiradda Soomaaliya ayaa maanta shir ay la haayeen ku ansixiyay 5 safiir oo cusub oo guluhu u ansixiyay in loo magacaabo dajirayaal, halka safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameriko uu xilka waayey.

Safiiradda cusub waxaay kala yihiih;

1. Jamaal Xasan
2. Jamaal Maxamed Barow
3. Fadumo Cabdulaahi Maxamuud Insaaniya
4. Khadiijo Maxamed Al-makhsuumi
5. Daahir Maxamuud Geele

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisul-wasaaraha oo warkan lagu soo daabacay ayaan si rasmi ah u qeexin jagooyinka ay kala qaban doonaan safiiraddan, balse saraakiil sare-sare oo dowladda ka tirsan oo magacooda ka gaabsaday ayaa xaqiijiyay safaaraddaha ay danjirayaashan ka howlgali doonaan.

Xogta ayaa sheegaysa in Jamaal Xasan, uu noqon doono safiirka Soomaaliya ee Kenya, isagoo baddeli doona Maxamed Cali America, ayada oo arrintan si rasmi ah loo shaacin doono dhowaan.

Jamaal Maxamed Barow ayaa noqon doono safiirka Soomaaliya ee dalka Koonfur Africa.

Faadumo Cabdullahi Insaaniya, waxay noqon doontaa safiirka Somalia ee QM, iyadoo baddali doonta Cilmi Axmed Ducaale.

Khadiijo Maxamed al-Makhsoomi ayaa noqon doonta safiirka Soomaaliya ee Ciraaq.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa isaguna noqon doono safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Dhinaca kale, golaha wasiiradu waxay isku raaceen in dib loo furo sadex safaaradood oo horay loo xiray , oo kala ah Jarmalka, Maleeshiya iyo Burundi. sidoo kalena dib habayna lagu sameeyo safaarada Soomaaliya ay ku leedahay dalka Faransiiska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com