QARAXYO xooggan oo goor dhow ka dhacay…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxyo iyo rasaas xoogan ayaa waxaa goor dhow laga maqlay gudaha Degaanka Ceelasha Biyaha ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Wararku waxa ay sheegayaan in Qaraxyada ay ahaa miinooyin nooca dhulka lagu aaso oo loo dhigay gaari Cabdibile ah oo ay la socdeen Ciidamada Militeriga Somalia.

Qaraxyada oo la sheegay inay ahaayen ilaa Laba qarax, ayaa waxa uu Ciidamadu ku haleelay Bartamaha Degaanka Ceelasha, iyadoona uu halkaasi ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Goobjooge ayaa kusoo waramaayo inay indhihiisu qabteen dhaawaca ilaa Seddex Askari iyo laba kale oo u dhimatay dhaawac kasoo gaaray Qaraxa.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsanaa DF oo howlgalo ku qabqabtay inkabadan 12-ruux oo ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay.

Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Amaanka ayaan weli ka hadal qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com