Wiil mucjiso ah oo dhashay isagoo aan SAN laheyn waana markii 37aad (Sawirro)

“Inta kale jirkiisu aad ayuu u qurxoon yahay, mararka qaar ma yaqiinsaneysid in uusan SAN laheyn,” ayey tiri hooyadiis Brandi McGlathery.

Wiilkeeda Eli, ayaa dhashay isagoo ka mid noqday waxyaabaha mucjisada ah ee adduunkaan lagu arkay maadaama uusan wax san ah Allah (SWT) u sameyn.

Si kastaba ha ahaatee, Eli waa mid ka mid ah 37 cunug oo adduunkaan ku dhashay iyagoo aan san laheyn, taasoo ka dhigan inuu adduunka hal qof oo aan san laheyn ku jiro 197 milyan oo kasta oo dad ah.

Aabihiis Troy Thompson ayaa qosol ka dhigay arrintaan ka hor inta uusan wiilkiisu dhalan ‘Waxaan rajeynayaa in uusan iga qaadan sankeyga,” ayuu u sheegay wargeyska maxalliga ah ee AL.com.

Markii uu wiilkaani dhashay 4tii bishii March isagoo ku dhashay South Baldwin Hospital, oo dhaca Alabama, US, hooyadiis Brandi ayaa tiri: “Markii aan qabtay waxaan dhahay ‘Wax ayaa ka qaldan wiilkeyga’ Ka dibna dhakhtarkii ayaa igu yiri ‘Maya, waa uu fiican yahay’ Ka dibna waxaan ku qayliyey ‘San ma leh’.

Brandi ayaa buurtay bogga GoFundMe si lacag tabarucaad ah loogu uruursho Eli – oo la filayo inuu ugu dambeyntii maro qalliin san loogu sameynayo.ad_164624392 ad_164624416 ad_164624421 ad_164624395