“Siyaasadda XASAN waxaa iiga filan xakameyn la’aanta khilaafyada maamul goboleedyada”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdulaahi Cali Xagaley oo kamid ah Siyaasiyiinta ka faalooda Arrimaha Somalia, ayaa sheegay in Maamul Goboleedyada dalka aysan u jilicsaneyn awaamirta DF Somalia.

Wuxuu tilmaamay in waxa laga sugayo ay tahay oo keliya in ay yeeshaan shir ka dhan ah DF, taasina ay hoos u dhigeyso awooda Dowlada, waxa uuna carabka ku dhuftay in caalamka aan weli lagu arag dal leh inkabadan hal Madaxweyne.

Sidoo kale, Siyaasiga ayaa soo hadal qaaday Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koofur galbeed ee Somalia, waxa uuna cadeeyay inay ka awood badan yihiin xiligaani DF Somalia, waxa uuna sheegay inay garab ka heystaan Dowladaha dariska la ah Somalia.

Madaxweyne Xassan ayuu sheegay inuu yahay Mas’uul aan laheyn Khibrad Siyaasadeed oo uu ku xakameyn karo dhamaan Siyaasadaha isdiidan ee ka jira dalka.

Ugu dambeyntii, waxa uu tilmaamay in Somalia aysan ka dhici doonin kala dambeyn waa hadii uu yiri aan laga taqluusin awoodaha ay sheeganayaan Maamul Goboleedyada Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com