Go’aankii ay dowlada ku taageertay siyaasadda Sacuudiga ma ahaa kan saxda ahaa? (Warbixin)

By Asad Cabdullahi Mataan

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii hore ku dhawaaqday in ay taageersan tahay go’aan Dowladda Sacuudigu ku cambaareysay dalka Sweden, kaddib markii wasiirada arrimaha dibedda Sweden ay ka hadashay arrimo la xiriira xuquuqda aadanaha Sacuudiga; iyada oo Dowladdu Sacuudiga oo dhibsatay arrintaasi ay u yeertay safiirkeedii u fadhiyey.

Shaqsiyaad Soomaali ah oo meelo kala duwan oo caalamka ku sugan, isuguna jira siyaasiyiin iyo aqoonyahanno ayaa ka fal-celiyey siyaasadda arrimaha dibedda Dowladda Soomaaliya oo lagu tilmaamay mid aan ka tarjumeyn maslaxada dalka, ee ay ka muuqaneyso siyaasad sal fudeyd & daneysi ku dhisan.

Aqoonyahhano Soomaali ah ayaa ku dhaliilay Dowladda Soomaaliya in aysan xisaabta ku darsan arrimo muhiim ah oo ay ugu horreyso xaaladda Soomaalida Yeman ku sugan; taageerada Dowladda Sweden ee Soomaalida & arrimo kale oo u baahnaa si qoto dheer loo eego.

“Tacadiga ay Soomaalida kala kulanto Sacuudiga ma ahan wax la isaga sheekeynayo; midkii ku dhashay ee Soomaaliga ah ee Af-carabi waxaan aheyn aan ku hadlin ayaa laa rkay iyaga oo soo tarxiilay; Soomaalida sida Sacuudigu u bah dilaan adduunka meel looga bah-dilo ma lahan; kii hantida ku lahaa iyo 40-ka sanno deganaa, dad waxaa la arkay caruurtoodii iyaga oo shaqo ugu maqan la soo tarxiilay; hooyo iyo caruurteedii jidka socda oo la soo qabtay muddo xabsi lagu hayey kaddibna meel Soomaaliya ka tirsan lagu soo xooray; waxaa dhacda in Dowlado kale ay yirahdaan annaga ayaa magangelyo siineyna dadkii ay Sacuudigu soo tarxiileen, marka ummadaas sidaas u dhiig miiraneyso dadkeenii ma istaahilaan in loo baa’basho nolosha Milyanka qofood ee Yeman ku dhaqan”Ayuu yiri Dr. Xassan C/qaadir oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, wuxuuna intaa ku daray in Dowladda Soomaaliya ay u dhaqantay si kheyrul-mas’uulnimo ah,wuxuuna intaa raaciyey in Dowlada Sweden oo ay cambaareysay Dowladda Soomaaliya in ay ku noolyihiin Soomaali ku dhow boqol kun oo haysta xuquuq la mid ah xuquuqda dadka dalkaasi u dhashay.

“Dowladda aan cambaareyno waa kuwa magangelyada siiya dadkeena oo ay nabada ku haystaan, oo aysan ka fikirkeyn shaarica haddaad mareyso waa lagu qabanayaa, xittaa kii aan ka helin sharci si sharaf leh ayaa loo xannaaneeyaa, isaga oo sharci haysan ayey guri dejiyaan oo ay masaariif u qoraan marka ummadii ku soo dhoweysay ayaad leedahay waa cambaareynaa, kii i dilay, ee i soo tarxiilay, hooyadeey iyo walaasheey karbaahay ee gabadheyka kufsadayna waan ammaanayaa; maskaxda ay dowladan ku shaqeyneyso maxeey tahay.? Dalka wax siyaasadii dibedda dhisi karata ma aaney harin miyaa; mise waa awoodii Dowadnimadu waxey noqotay mid lagu talo-xumeystay.? Ayuu yiri Ditoorku, wuxuuna xusay in wasiiro ka tirsan Xukuumadda ay haystaan dhalasho Swedish ah.

“Sacuudigu dadkii ay soo tarxiileen qaarkood maanta waxey magangelyo ku joogaan Sweden oo ay weliba dhalasho Swedish ah lagu siiyey. Wasiirada xukuumadda ku jira intooda badan waa dad magangelyo ka helay dalal ay Sweden ka mid tahay; Sacuudiga maxaan ka helnaa.? Sacuudiga waxaan ka helnaa nin wasiir ah inuu tago boorso lacag loogu soo rido, kaddibna la yiraa kama hadli kartid dhibaatada dalkan ku haysata dadkaaga” Ayuu yiri Ditoor Xassan, isaga oo intaasi sii raaciyey in Dowladda Soomaaliya maadaama ay tahay Dowlad hadda soo kabaneysa in ay go’aankeedu uu noqdo mid ay ciyaareyso door dhexdhexaadnimo ah, isaga oo ku tilmaamay siyaasad aan bisleyn in Xukuumad shalay cambaareysay Dowladda Sweden in maanta wasiir ka tirsan uu dalkaasi tago.

“Waxaa la yaab leh in wasiir ka socda Dowladda Soomaaliya uu ku sugan yahay dalkii ay Dowladiisu shalay cambaareyneysay, (Sweden). siddee ku dhacday Dowladdii aan shalay cambaareynay ayaan waxaan leenahay heshiis ayaan la saxiixanay” Ayuu yiri Dr. Xassan C/qaadir,wuxuuna intaasi ku daray;

“Hal waddan Carbeed ayaa jira oo Soomaalida u naxariista; dalkaasina waa Kuwait, qofka Soomaaliga ah ee Kuwait ku dhaqan waxaa loo ogol yahay waxbarasho, wuxuuna helaa caafimaad & wax kasta oo qof biniįadan ah u baahan karo; inta kale dalalka Cabartu Soomaalida waa ku dhiban yihiin” Ayuu yiri

Aqoonyahanad Drs. Cureeji Muxumad ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay aheyd in ay ka fiirsato Go’aanka ku biirista Isbaheysiga ka dhanka ah Xuutiyiinta; ayna isbar-bar dhigto faa’iidada & qasaaraha ka dhalan kara & danta ugu jirta Soomaalida.

“Marka Dowladda Soomaaliya ay go’aan ku gaartay taageerada Isbaheysiga Sacuudigu hogaamiye, ma ku xisaabtantay nolosha boqolaalka kun ee Soomaalida ah ee ku dhaqan Gobolada ay maamulaan Xuutiyaanta.? Teeda kale Yeman waa dal markii ay Soomaaliya burburtay albaabada u furay dadkeenii qaxootiga ahaa; oo ilaa maanta waxaa ku dhaqan Soomaali aan ka yareyn Hal milyan; Dowladda Soomaaliya ma isbarbar dhigtay danaha ay ka heleyso heshiis ku sheega & nolosha halkaas Milyan ee Soomaalida ah.?” Ayeey tiri Drs. Cureeji waxeeyna intaa raacisay in Dowlad lagu yaqaan marka ay go’aan masiiri ah gaareyso in dhinacyo badan ay wax ka qiimeyso; ee aysan gaarin go’aan dadkeeda saameynaya.

“Dowladda Soomaaliya waxeey awoodi la’dahay hal dayuurad oo dadkeeda Yeman ku sugan ay ku soo daadgureyso, masśul u hadlay Dowladda Soomaaliya shalay wuxuu sheegay in dalal saaxiib ah ay weydiisan doonaan in dadkooda ay u soo daad-gureeyaan, Dowlad dhan oo awoodi weysay qarashka hal dayuurad in ay bixiso, maalin kasta madaxdeedu ay safaro maalaa-yacni ah ku jiraan, in haddana dadkii ay wax u awoodi weysay ay howtul-hamag sii geliso wax fiican ma ahan” Ayeey tiri Cureeji, waxeyna ugu dambeyntii hadalkeeda ku soo af-jartay;

“Soomaaliya maanta waxba kuma kordhin karaa Yeman & Sacuudiga, waxeey ila tahay in aan ka aamusno; Af-xumo col waa kaa geysaa, nabad-na wax kaagama tarto. boqolaalka kun ee maanta ku rafaadsan Yeman waxey u baahan yihiin in la badbaadiyo, Dowladdii masśulka ka aheyd; Dowladda Soomaaliya inteey basiin ku sii shibi laheyd meeshii waa in ay ka shaqeyso sidii ay colaadaas u damin laheyd, ugu yaraan waxaa la gudboon waxeey tahay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya inta uu diyaarad qaato tago oo uu yiraa, colaad iyo dagaalo annaga ayaa soo aragnaye ka jooga; Haddii dal deriskaagu holcaayo adiguu ku soo gaari karaa; inkastoo adiga aad markii hore ba holceysid, haddana waa inaad masśuliyad muujisaa oo doorkaaguna uu noqdaa door muhiim ah” Ayeey tiri Cureeji.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com