Maxamed Daahir Cali oo xukun dil ah lagu riday

Jowhar ( Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida qeybta 27-aad ee maamulka HirShabelle ayaa maanta xukun adag ku riday nin dhalinyaro ah oo fal dil iyo kufsi isugu jiray gabar da’yar ugu geystay duleedka magaalada Jowhar.

Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamed Daahir Cali ayaa xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ku heshay in dil bareer ah iyo kufsi u geystay Caasho Cabdullaahi Maxamed oo aheyd 17-sanno jir ku nooleyd deegaan dhaca duleedka Jowhar.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qeybta 27-aad, Gaashaanle Maxamed Aamiin Aadan ayaa sidoo kale sheegay in maxkamadda ay ninkaan ku xukuntay dil toogasho, oo ah qisaasta Caasho Cabdullaahi.

Ciidamada Booliska ayaa ku guuleystay ninkaan maanta la maxkamadeeyay inay gacanta kusoo dhigaan xilli uu baxsad ku jiray, waxayna kiiskaan ku wareejiyeen maxkamadda CQS oo ugu dambeyn  xukun ku riday gacan ku dhiiglaha.

15-kii bishaan ayey aheyd markii u horeysay ee maxkamadda ay u fariisatay dhageysiga dacwadaan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa inta badan waxay xukuno kala duwan ku ridaa rag loo haysto inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ama Daacish oo ay geysteen dilal iyo qaraxyo, balse waxaa aad u yar dad loo maxkamadeeyay inay kufsi iyo dil ay geysteen.