Weerar kale oo lagu laayey Al-Shabaab badan oo ka dhacay gobolka Sh/Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Milatariga Maraykanka ayaa sheegay inay laba duqayn lala beegsaday maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab nawaaxiga Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska milatariga ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqaymuhu kala dhaceen 14-kii iyo 17-kii bishan December, laguna kala dilay isugayn 15 maleeshiyaad ah oo ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM waxay sheegtay in duqaymahan ay ahaayeen kuwo is-difaacid ah, ayna dhaceen kadib markii codsi uu ka yimid dawladda federaalka Soomaaliya.

AFRICOM waxay sheegtay in qiimayntu ay muujinayso inaan dad rayid ah aysan ku dhiman kuna dhaawacmin duqaymahan.

Weerarada diyaaradaha Turkiga iyo Mareykanka ayaa kusii kordhaya gobolka Shabeellaha Dhexe, taasi oo muujineysa in saaxiibada caalamka ay si dhab ah uga go’an tahay in kooxda Al-Shabaab laga cirib-tiro dalka.

Weerar kale oo ka dhacay degaanka Juxaay oo hoos taga degmada Aadan-Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Sabtidii waxaa lagu dilay 87 dagaalame oo Shabaab ah, waana mid ka mid ah khasaarihii ugu badnaa ee mar qura gaara maleeshiyada Al-Shabaab.

 Waxaa xubnahaas ka mid ahaa Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir), oo ka mid ahaa xubnaha ugu halista badan kooxda Al-Shabaab.

“Ciidanka Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa xaqiijiyay geerida Yuusuf Maxamad Jingaab (Wasiir) oo ahaa horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo halis wayn ku ahaa badqabka shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Yuusuf Jingaab ayaa lagu dilayey duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drone) ee Turkiga, gaar ahaan nooca Bayraktar TB2.