Ururada siyaasadda Puntland oo ku dhawaaqay tallaabo deg deg ah

Garoowe (Caasimada Online) – Ururada Siyaasadda Dowlad-goboleedka Puntland ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaasi Saciid Deni in uu kala jebin ku waddo ururada siyaasadda, xili ay xalay kulan la qaateen.

War-saxaafadeed kasoo baxay ururada siyaasadda Puntland ayaa lagu shaaciyay in madaxweyne Deni uu ka leexday dhabihii dimuqraadiyadda, islamarkaana uu xagal daacinayo dhamaan dedaaladii socday ee ku aadana doorashada.

“Dhamaan wada-xaajoodyadii la xiriiray qodabadii dhinaa ee muhiimka u ahaa qabsoomida doorashada, madaxweynuhu ma fulin, balse taasi badelkeeda xukuumaddu ay ku mashquulsan tahay kala jabinta ururada iyadoo faro aan nadiif aheyn kula dhex jira ururada siyaasadda.”

Waxay ku dhawaaqeen shirweyne ay isugu yimaadan qeybaha kala duwan ee bulshada, si loo badbaadiyo hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada Puntland, loogana saaro hubanti la’aanta siyaasadeed ee maanta ka jirta.

“Ururada Siyaasada waxay ku baaqayaan in shirweyne isugu yimaadan qeybaha kala duwan ee bulshada sida Isimada dhaqanka, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Waxgaradka, Odayaasha, Culimada, Dhalinyarada iyo Haweenka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Ururada waxay u arkaan Guddiga doorashooyinka KMG “TPEC” inay yihiin kuwo aan dhex-dhexaad aheyn oo ku milmay xukumada talada haysa, oo aan lagu kalsoonaan karin sida ka muuqata tallaabooyinkii ay qaadeen iyadoon xal laga gaarin qoddobadii taagna.”

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka “Maadama madaxweynuhu ka weecday dhabihii dimuqraadiyadda, uu xagal daaciyayna dhamaan dadaaladii socday waxaan umadda la wadaagaynaa in wixii tallaabooyin ah ee aan loo dhameyn sida diiwaan-gelinta doorashada cawaaqib xumada ka dhalata uu masuuliyadeeda leeyahay madaxweynuhu.”

Ururada Siyaasadda Puntland ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegen inay ka go’an tahay ka qeyb-galka iyo xaqiijinta doorashooyin xalaal ah, daahfuran, bulshadana dhaxalsiisa dowlad-wanaag, maamul daadjin iyo adeegyada dowladnimo oo dhameystiran.