Maxamud Maxamed Aadan oo lagu dilay Koonfur Afrika

Cape Town (Caasimada Online) – Kooxo burcad ah ayaa lagu soo warramayaa in xalay muwaadin Soomaaliyeed oo dhalinyaro ahaa ay ku dileen dalka Koonfur Afrika.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Aadan, sida ay innoo sheegeen ganacsato kale oo ku sugan halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Maruum Maxamuud Maxamed lagu dhex-dilay dukaankiisa oo ku yaalla deegaanka Danoon oo qiyastii 21 KM u jira magaalada Cape Town.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kadib dilka ah ay kooxaha burcada ah dhac baahsan ay u geysteen dukaanka marxuumka, ayna ka qaateen lacag iyo agabyo kale.

Goobta waxaa sidoo kale goor dambe gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Koonfur Afrika, balse ma jirto cid ay soo qabteen dilkaasi.

Koonfur Afrika waxaa bilihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka iyo boobka lagu hayo Soomaalida ganacsiyada kala duwan ku leh magaalooyinka dalkaasi.