Arrin cusub oo shirka Baydhaba kusoo korartay iyo wararkii ugu dambeeyey

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo waxaa looga dhawaaqay guddi ka kooban 36-xubnood, kuwaasoo loo bixiyay (Starry Committee), waxaana guddigan uu ka shaqeen doonaa dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed.

Guddigan waxaa hoggaaminaya Maxamuud Sayid Aadan oo ka soo jeeda gobalka Gedo, wuxuu sheegay guddiga in looga fadhiyo siddii ay ugu dhawaaqi lahaayeen dowlad gobaleed ka kooban lix gobal oo waa faqsan dastuurka sidda uu yiri.

Wuxuu xusay in 95% uu ku kal soon yahay in uu hirgalo maamulka cusub ee loo sameenaayo gobalada Koonfur Galbeed ee kala ah, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe.

Shirka Baydhabo ka socda oo galay wajigii labaad, ayaa waxaa ka qaybgalay siyaasiyiin, odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobalada lixda ah.

Dhinaca kale, guddiga looga dhawaaqay Baydhabo waxaa ka soo horjeeday ugaas Ugaas Xasan Maxamed kaasoo taageersanaa qorshe uu waday guddoomiyihii horre ee baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasoo ahaa in maamulka cusub lagu kobo seddax gobal oo kala ah, Baay, Bakool, iyo Shabeellaha Hoose.

Wuxuu tilmaamay ugaaska cidda sameen karta guddiga Starry Comity, ay tahay, dowladda, baarlamaanka iyo odayaasha ka soo jeeda beelaha gobaladaas, intaasba meesha ma jooga ayuu yiri.

Si kastaba, shirka Baydhabo ka socda ayaa waxaa jirra beelo iyo siyaaska soo horjeeda maamulka loo sameenaayo lixda gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com