Hadalkii Qanyare oo lasoo dhoweeyey laguna tilmaamay mid karti badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiweli Qanyare waa mas’uul ku dayasho Mudan , sidaasina waxaa ku tilmaamay Beesha Karanle ee qurbo Joogta ah ee ku nool Europe iyo Waqoyiga Maraynkanka, kadib shirar ay ku qabsadeen qadka telefoonka.

Waxa ay dood iyo fallanqayn ku saabasan xaalada wadanka uu marayo dhanka siyaasada iyo aminigaba kadib isku raaceen in siyaasiyiinta, aqoonyahanada,odayaal dhaqameeyda iyo waxgaraduba ay isla meel dhigaan qorsho wada jira oo looga gudbi karo xaaladaha xasaasiga ah ee dalka ka jira, la iskana ilaaliyo in koox gaara ay magaca beeleed si xulfeysi siyaasadeed oo dana beeleed kala gadaal ka riixayaan golayaasha qaranka dhaxdooda looga dhaqmo .

“Hadii taasi madaxda dawladda hogaamiso sida Madaxweynaha , Raisal wasraaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka u aqoonsadaan kutlado qabiil inay talo ka go’do waa nasiib daro iyo dalkoo dib udhac wayn looga rido higsigiii dawlad wanaag iyo himiladiii shacabkana dhabarjab xoogan ku dhacdo” ayey yiraahdeen.

Cabdi Weli Maxamed Faarax Qanyare
Cabdi Weli Maxamed Faarax Qanyare

Waxaa kale oo ka qayb galaaysha shirkan si buuxda u taageereen mowqfka iyo aragtida xildhibaan Cabdi Weli Maxamed Qanyare oo xildhibaan ku daysho mudan, waayo in dastuurka iyo sharciga in la ilaaiyo baarlamaankana guddiyadiisa kala duwan ee shaqeeya, guuddoomiyayaal loo doortayna leh si sharciyana loo ansixiyay, guddomiye Baarlamaan iyo ku xigeenana leh laga dhinac furo guddoomiyaal qabiil iyo kutlado qaab qabiil u samaysan laga door bido waa wax aad iyo aad u nasiib dara ah.

Beesha Karanle way kusoo gababeeyeen shirkooda in Dastuurka iyo sharciga la dhawro nidaamka dawladnimadan aan dib looga noqon , Masaalix shaqsiyadeed iyo mid kooxeedna laga gudbo si ummada ka dhursugayso aysan uga qalbi jabin lana gaarsiiyo himilada iyo rajada ay ka qabaan baarlamaan iyo dawlad daacada ee dalak ka samat biso dhibaatadan ragaadisay.
Shirka Dadkii ka Qeybgalay .

1. Abdi Ali
2. Ibrahim Cali Omer
3. Xasan Sky
4. Abdirashiid yusuf haagi
5. Mire Abdulahi Geedi
6. Ciise abdi Ducaale
7. Ali yahie
8. Ismacil yahie
9. Axmel Tilburug
10. Mahad Ali Jebshe
11. Abdicadir afeey
12. Nuur tusbaxle
13. Abdulahi Muumin
14. Bare Wene
15. Axmed nur Duqaw
16. Abdicadir Xasan ciise
17. Abdi Omer
18. Farhia Yusuf
19. Sacdiya Mahamud weheliye
20. Mulki muhumad
21. Xamdi xasan Cawl
22. Xasan jimcale
23. Shikh Ibraahim shakiraw
24. Abdirisaaq Geesey
25. Ciise Maxamed xasan Indhaqabyo
26. Bashiir Abdi weheliye
27. Mahad Cawaale
28. Mahamed Axmed Xasan
29. Mahamed Ali Duqaw
30. Xabiibo fartaag
31. Haboon Muudeey
32. Canab xuseen hambo
33. Abdiqadir shikh cali Shukri
34. Cabdi Casiiz maxamed jimcaale- Yaybadane
35. Badri Hayle Cabdi Bariise
36. Kooshin Cali Buubaal
37. Haashim Biidhe
38. Ahmed Mahamed Ali
39. Abdulahi Cali Duqaw
40. Muse Ali
41. Xiirey Jalwo
42. Calas Mahamed Cabdi kariim
43. Mahamed Teenis
44. Farhia Mahamed Gacal
45. Mahamed Xuseen wardheere
46. Karuur Mahamud Jayte Xaayaw
47. Abdulahi Ali Xagaley
48. Safiya Mahamed Gacal
49. Mahad shikh adan
50. Raxma dilixaw
51. Shukri beerey
Dr. Ahmednur hassan Adde