SOMALILAND oo durba digniin culus u gudbisay madaxweyne C/WELI GAAS

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka Madaxtooyada Maamulka Soomaaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa uga digay Maamulka Puntland in deeganada Soomaaliland ay ka arimiso uu faragelin ku sameeyo, kadib markii Madaxweynaha iminka talada la wareegay uu khudbad uu Baarlamaanka ka horjeediyay ku sheegay in Laascaanood dib loogu soo celinayo gacanta Puntland.

Xirse Cali Xaaji Xasan Wasiirka Madaxtooyada Soomaaliland, ayaa sheegay in hadii la isku dayo in faragelin lagu sameeyo dhulka Soomaaliland ay maamusho wixii cawaaqib xumo ee ka dhasha ay masuuliyadeeda qaadayaan Maamulka Puntland.

Wuxuu sheegay in Puntland ay kamid tahay dhulka Soomaaliya, guud ahaana Soomaaliya ay urajeynayaan wanaag iyo horumar.

C/wali Wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha shalay loo doortay Puntland, ayaa xilli uu ka hor hadlaye Baarlamaanka Puntland, wuxuu sheegay in Laascaanood oo hada Soomaaliland maamusho ay dib ugu soo celinayaan gacanta Puntland, iyadoo loo marayo siyaasada hadii dagaal laga fursan waayana dib loogu soo celinayo sida uu yiri.

Puntland iyo Soomaaliland, ayaa waxaa ka dhaxeeya xurguf ku aadan maamulida deeganada ay xuduuda ka wadaagaan ee Gobalada Sool iyo Cayn.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com