Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka lixda gobal ee maamulka Koonfur galbeed, ayaa eedeen u jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay hadda ku sugan yihiin magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.
Maxamuud Sayid Aadan oo u warramayay VOA-da ayaa sheegay in madaxweynaha aaney daacad ka ahayn maamulka lixda gobal isagoonta intaas ku daray in uu wax ka ogyahay maamulka seddaxda gobal ee isna ka dhisan Baydhabo.
Maxamuud Sayid Aadan waxaa kaloo uu caddeeyay in madaxweynaha uu soo diray Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ahaa maskaxdii ka dambeesay dhismaha maamulka seddaxda gobal.
Waxaa la weydiiyay madaxweynaha in ilaa hadda ay la kulmeen, wuxuu marka horre sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisa in loo sheegay maamulkooda in ay maanta imaanayaan oo tan iyo xaley ayaan u diyaar garownay ayuu yiri, laakin wuxuu shuruud ku xiray in madaxweynaha iyo wafdigiisa ay yimaadaan xarunta ADC-da oo uu sheegay in ay tahay xarunta dowlad gobaleedka maamulka lixda gobal sidda uu yiri.
Wuxu ka digay haddii madaxweynaha uu tago Hotel Bakiin in wixii ku dhacay aaney mas’uul ka ahayn maamulkooda, mar la weydiiya inuu faah-faahiyo waxyaabaha uu kala jeedo hadalkaas, wuxuu tilmaamay in dad careesan ay ku sugan yihiin waddooyinka magaalooyinka lagana yaabo in ay weerar ku qaadan mas’uuliyiinta dowladda.
Ugu dambeyn wuxuu madaxweynaha ku eedeeyay in uusan daacad ka ahayn maamulka lixda gobal taas badalkeedana uu taageersan yahay maamulka looga dhawaaqay Hotel Bakiin.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Nairobi