Maxamuud Sayid Aadan oo maanta loo diiday inuu gal 3 degmo oo ka tirsan Gedo iyo DF oo ciidamo cusub qoratay

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Degmooyinka Beled-Xaawo, Luuq iyo Doolow oo horay uu uga arrimi jiray maamulka Jubbaland ayaa maanta loo diiday inuu gudaha u galo Madaxweyne ku xigeenka maamulkaas Maxamuud Sayid Aadan.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa sida uu sheegay doonayay inuu soo xaliyo khalalaase dhanka maamulka ah oo ka jira magaalooyinkaas, kadib markii la xiray guddoomiyaashi Jubbaland uga arrimi jiray.

Si kastaba ciidamada halkaas ku sugan oo badankood dowladda Soomaaliya ku biiray ayaa diiday inuu soo galo madaxweyne ku xigeenka.

Dowladda federaalka ayaa horay u shir qooshay guddoomiyaashii degmooyinka Luuq, Doolow iyo Baled-Xaawo, kadib markii shir wada tashi ah la iskugu yeeray magaalo ku taalla gudaha dalka Itoobiya, waxayna guddoomiyaasha la xiray ee degmooyinkaas ka amar qaada jireen wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo hadda u xiran dowladda federaalka.

Shirkii khamiis laha ahaa ee golaha wasiirrada Jubbaland oo looga hadlay arinta guddoomiyaasha ay dowladdu xiratay ee degmooyinkaas ayey Jubbaland eedeymo badan ugu jeedisay ciidanka Itoobiya oo sida ay sheegeen loo adeegsaday qabashada masuuliyiintaas.

Sidoo kale Jubbaland ayaa warqad ay uga dacwoonayso ciidanka Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo waxay u dirtay wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Dhinaca kale, magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo maanta waxaa markii ugu horeysay ka bilaawday diiwaan galinta qeybaha kala duwan ciidamada  qalabka sida ee Soomaaliya.

Saraakiil ka socotay dowladda federaalka Soomaaliya oo maalmo ka hor tagay Beled-Xaawo ayaa galinkii dambe ee maanta ku dhawaaqay inay soo gaba gabeeyeen wajiga koowaad ee diiwaan galinta qeybaha kala duwan ee ciidamo ay dowladdu ka qoranayso degmadaas.

Saraakiisha ayaa sheegay in si nabad galiyo ah ay ugu soo dhamaatay diiwaan galinta wajiga koowaad ee ciidamadaas, isla markaana ay maalmaha soo socda bilaabi doonaan diiwaan galinta wajiga labaad ee ciidanka degmada Beled-Xaawo.

Sidoo kale xubnaha ka socda dowladda federaalka ee diiwaan galinta ciidamada ka wada degmada Bele-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in maalmaha nasoo aadan ay gaari doonaan degmooyinka Luuq iyo Doolow ee isla gobolka Gedo, si halkaas ay uga bilaabaan diiwaan galinta ciidamada qalabka sida ee ay dowladdu ka qoranayso gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

 

Caasimada Online
Xaafiiska Beled-Xaawo
caasimada@live.com