Ciidamo hareereeyay xarunta xisbiga Waddani iyo xiisad ka taagan Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa ciidamo fara badan dul dhigtay xarunta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani uu ku leeyahay magaalada Hargeysa.

Xukuumada Biixi ayaa goordhoweyd oo caawa ah ciidamo tiro badan ku hareeraysay xarunta xisbiga Waddani, taasi oo ay uga hor tageyso banaan bax ka dhan ah xukuumadiisi oo berri ka dhici lahaa xaruntaasi.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani ayaa maanta taageerayaasha xisbigiisa ee gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay maalinta Barri ah iskugu yimaadaan xarunta Xisbiga, si halkaasi uga dhigaan banaan bax ka dhan ah xukuumada Muuse Biixi.

Mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay inay xukuumada Biixi ciidamo ku soo rogtay xarunta Waddani, taasi oo ay ku macneeyeen mid laga hor istaagayo shacabka xuquuq uu dastuurku u jideeyay.

Waxay sidoo kale Mas’uuliyiintaasi xukuumada Muuse Biixi uga digtay inay qalalaase ka abuuraan gudaha magaalada Hargeysa, iyagoona sii xoojiyay baaqii guddoomiye Ciro ee isku baxa berrito.

Xukuumada Biixi ayaa isku soo baxaasi uu ku baaqay Ciro si weyn uga biyo diidan, taasi oo sababtay in caawa ay ciidamo tiro badan dul dhigto xarunta xisbiga Waddani ee magaalada Hargeysa.