Madaxweynihii hore ee Galmudug oo caawa geeriyooday

London (Caasimada Online) –Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Galmudug Maxamed Axmed Caalin ayaa caawa ku geeriyooday magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Marxuumka oo da’ahaa ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe uu ku xanuunsanaa dalka Ingiriiska, ugu dambeyntiina caawa ayuu geeriyooday.

Madaxweyne Caalin ayaa ahaa aas-aasihii maamulka Galmudug oo markii ugu horeysay laga dhisay koonfurta magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Allaha u naxariistee Maxamed Axmed Caalin ayaa waayihii dambe ka mid ahaa odayaasha lagu ixtiraamo aas-aaskii maamulka Galmudug, wuxuuna waayihii dambe ku noolaa dalka dibadiisa.

Marxuumka ayaa doorweyn ku lahaa hanaankii Soomaaliya looga saaray ku meel gaarka.

Sidoo kale sanadkii 2012-kii wuxuu ka mid ahaa saxiixayaashii dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka lagu maamulo ilaa hadda.

Caalin wuxuu beri samaadkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ka gaaray darajada Korneyl ciidan, sidoo kale wuxuu mar soo noqday safiir.

Madaxda qaranka qaarkood ayaa durbadiiba ka tacsiyeeyey geerida Marxuum Maxamed Axmed Caalin, madaxweynihii hore ee Galmudug oo caawa ku geeriyooday dalka UK.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray qoraal uu ugu tacsiyeeyey marxuumka, sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku xusay qeybo muhiim ah oo ka mid ahaa taariikh nololeedkiisa.

Hoos ka akhrso qoraalka Cabdikariin Guuleed

Alaha u naxariisto madaxwrynahii hore ee Galmudug marxuum Col. Maxamed Axmed Caalin oo caawa ku geeroyooday magaalada London ee dalka UK.

Marxuum Caalin waxuu ahaa masuul Qaran oo dalkiisa iyo dakiisa duruufo adag ugu soo shaqeeyay.

Todobaatameeyadii asagoo ahaa sarkaal ka tirsanaa heyaddii sirdoonka Qaranka ee NSS waxuu howl sirdoon oo culus oo laguna abaal mariyay ka soo qabtay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethopia, horaantii dagaalkii 77dii.

Waxuu marxuum asagoo gudanaya waajib Qaran ku joogay magaaladaas muddo dhowr sano ah asagoo jilayey miskiin ka mid ah dadka tuugsada. Si uu Qaranka ugu keeno xog sugan oo la xiriirta istiraatiijiyadda ciidan ee Itoobiya, cududooda iyo dhaqdhaqaaqooda intaba.

Waxaan madaxda Qaranka iyo madaxweynaha Galmudugba u soo jeedinayaa in marxuumka si weyn loo maamuuso, aas Qaranna loo sameeyo.