Maxay ahayd su’aashii uu Farmaajo doortay in aanu ka jawaabin ee dadka Sool iyo Sanaag ka carreysiisay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo ka qeyb-galayey dood cilmiyeed ku saabsan doorashooyinka 2020/2021 ayaa lagu eedeeyey inuu dafiray jiritaanka gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, kadib markii uu ka jawaabi waayey su’aal la weydiiyey oo aheyd halka ay ka dhacayso doorashada xildhibaannada heer federaal ee ka imaanaya gobolladaasi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qiray in su’aashaasi ay tahay mid adag, kadib markii ay weydiisay gabar ka mid ah ka qeyb-galayaasha dooda.

Xildhibaan Cali Cabdiwaaxid oo ka mid ah golaha wakiilada maamulka Puntland oo ka fal-celiyey hadalkaasi ayaa sheegay in uu Madaxweyne Farmaajo u gefay dadka degan Sool iyo Sanaag, islamarkaana uu hadalkaas ku raalli-gelinayey dad iyaga la mid ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Madaxweynaha Soomaaliya uu dafiray jiritaanka gobolladaas oo ay ku nool dad badan oo Soomaaliyeed.

“Farmaajo waxa uu dafiray jiritaanka dadka u dhashay gobollada Sool iyo Sanaag, isaga oo raalli-gelinaya dad la mid ah dadka gobolladaas degan” ayuu yiri xildhibaanku .

Dadka qaar ayaa rumeysan in madaxweynaha uu doortay inaanu su’aashaas ka jawabain, si hadalkiisa aanu usii dhalin xanaf badan, maadaama dowladda ay hadda wada-hadallo meel wanaagsan maraya kula jirto Somaliland.

Waxaa sidoo kale jirta in xildhibaanada Sool iyo Sanaag doorashadooda qaarna ay ka dhaceyso Puntland, qaarna laga yaabo inay ka dhacdo Muqdisho, taasi oo heshiiska doorashada lagu sheegay, sidaas darteedna jawaabta madaxweynaha aysan soo kordhineyn wax aan ahayn inay xiisad un abuurto.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo horey heshiiska looga gaaray doorashooyinka loogu shaaciyey in doorashada xildhibaanada ka imaanaya gobollada waqooyi ama Somaliland ay ka dhaceyso gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.