Maxay Cumar Cabdi Rashiid iyo NUUR Cadde ka mideysnaayeen (Xog-warran)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarayaashii Dawladihii KMG ahaa ee Nuur Cadde iyo Cumar Cabdirashiid waxay ahaayeen labo Ra’iisul wasaare oo lahaa dabeecado isku mid ah. Dabeecadahaa waxaa kamid ahaa Labadaan Ra’iisul wasaare waxay ahaayeen shaqsiyaad aan xanaaqin, madaxweynayaasha magacaabayna kama xanaaqi jirin, hawl walba oo ay u diraana waa ka dhegaysan jireen laakiin ma fulin jirin.

Nuur Cadde iyo Cumar Cabdirashiid waxaa ay ahaayeen mas’uuliyiin u muuqanayey kuwo aad u degan, u qaboow, aan xanaaqin, waxa ay rabaan u cad yihiin, yaqaana waxa ay doonayaan.

Ra’iisul Wasaare Nuur cadde ayaa ahaa ra’iisul wasaarihii qasbay in Col. Cabdullahi Yuusuf allaha u naxariistee uu is casilo, kadib markii Ra’iisul wasaare Nuur Cadde uu fulin waayey siyaasadihii qalafsanaa oo ku saleysnaa in xoog milateri wax walba lagu xaliyo oo Madaxweyne Cabdullahi Yusuf doonayey. Sidoo kale Madaxweyne Sheikh Sharif iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa is qilaafay oo wada shaqeyn waayey kadib markii Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu noqday kaliya mid Madaxweyne Sheikh Sharif ka dhegaysta waxyaaabaha uu doonayo balse aan fulin jirin siyaasaddaha iyo ujeedooyinka Madaxweyne Sharif.

Madaxweyne Sheikh Sharif oo u adkeysan waayey siyaasadda qaboow oo aan xanaaqa ku jirin kana soo horjeeda siyaasadiisa iyo qorshayaashiisa oo uu kula dhaqmayo Cumar Cabdirashid ayaa go’aan ku gaaray inuu is dhaafiyo Ra’iisul Wasaare Cumar. Xiligii Dawladda KMG oo Madaxweyne Sheikh Sharif awood badan ku lahaa baarlamaanka Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid wuxuu ku qasbanaaday inuu Madaxweyne Sheikh Sharif weydiisto lacag si uu isku casilo, Madaxweyne Sheikh Sharif ayaa siiyey Cumar Abdirashid lacagihii uu weydiistay sidaa ayuuna isku casilay Cumar Cabdirashid.

Kooxda Damujadiid iyo Madaxweyne Xasan Sheikh oo siyaasadda socod ku barad ku ah ayaa haatan qorsheynaya fursadoodii ugu danbeysay ee ay ku magacaaban karayaan Ra’iisul Wasaare inay ku magacaabaan Cumar Cabdirashid.

Madaxda Damujadiid iyo Madaxweyne Xasan Sheikh oo siyaasadoodu ka fiirsiga laheyn horeyna u magacaabay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo aysan aqoon u laheyn ayaa fursadooda ugu danbeysa waxey qarka u saaran yihiin iney magacaabaan Cumar Cabdirashid oo aysan soo baarin waxyaabihii keenay Khilaafkii Madaxweyne Sheikh Sharif iyo Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashid.

Dadka yaqaana Cumar Cabdirashid ayaa sheegay inuu noqon doona siyaasigii u dhameyn lahaa Madaxweyne Xasan iyo Kooxda Damujadiid-ba isaga oo aan waxbana ka diidi doonin waxbadanna ka yeeli doonin, si la mid ah sidii uu Nuur Cadde ugu dhammeeyey allaha u naxariistee Cabdullahi Yuusuf.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamud ayeysan jirin wax ku qasbaya inuu Ra’iisul wasaare u magacaabo siyaasiyiintii hore usoo fashilmay iyo siyaasiyiinta kale ee caanka ah ee la yaqaano oo qaarkood wadamada caalamka diidayaan ee wuxuu keensan karayaa siyaasi aan haatan muuqan oo wadani ah si dhowna ula shaqeyn kara Madaxweynaha inta laga gaarayo sanadka 2016-ka maadaama uusan dalka Soomaaliya ka bixi karin qilaaf kale oo ka dhex bilaawda Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba, inkasta oo qabowga iyo qun-yar socodnimada isaga mid yihiin Nuur Cadde iyo Cumar Cabdrashiid, haddana waxaa u dhaxeeya hal farqi oo ah waddaninimada. Nuur Cadde wuxuu dalka ka saaray ciidamada Ethiopia, halka Cumar uu kusoo hoggaamiyey ciidamada Kenya, sidoo kalena ka iibsaday badda Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com