Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee foosha xumaa lahaa ee ka dhacay qaa kamid ah gobollada oo ay kasoo kordheen dilal argagax leh.
Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ugu horreyn baaq nabadeed kasoo saartay colaadaha, dilalka iyo beegsiga ka baxsan Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacaya gudaha dalka.
Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in uu falalkan ay yihiin kuwa aad uga fog bani’aadantinimada, nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada.
Waxaaa kale oo ay wasaaraddu sheegtay in ay ka xuntahay colaadaha iyo beegsiga dadka maatada ah ee aan waxbo galabsan ee haddana la beegsanayo.
“Waxay fareysaa hay’aha amniga in si deg-deg ah loola xisaabtamo kuwa ku lugta leh falalkaasi foosha xun ee ku kacaya iska horkeenidda shacabka” ayaa lagu yiri qoraalka.
Wasaaradda arrimaha gudaha aya sidoo kale farriin u dirtay madaxda maamul-goboleedyada iyo odayaasha dhaqanka oo ay ugu baaqday inay u istaagaan wax ka qabashada colaadaha sokeeye, soona qabtaan dambiilayaasha ku lugta leh dilalka.
Bayaankan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan qaybo badan oo kamid ah dalka ay ka taagan yihiin colaad sababay in la beegsado dadka birimageedada ah, sida carruurta iyo haweenka.
Waxaa sidoo kale arrintu ay gaartay in shalay nin odey ahaa oo dhimirka ka xanuunsan lagu gubay duleedka Wanlaweyn oo ay ka taagan tahay mid kamid ah colaad beeleedyada.


