Maxay DF ka tiri khal-khalka hawada SOOMAALIYA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’addda Duulista Rayidka Hawada ayaa maanta war cusub kasoo saartay isticmaalka hawada Soomaaliya, kadib markii lagu khalkhal geliyay diyaarado marayay hawada dalka.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in hay’addu ay gacanta ku hayso bad-qabka diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya, ayada oo farriin u dirtay shacabka iyo shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxay dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo shirkadaha duulimaadka ee isticmaala hawada Soomaaliya u caddeynaysaa inay si buuxda gacanta ugu hayso badqabka duulimaadyada isticmaala hawada Soomaaliya” ayaa lagu qoraalka kasoo baxay Hay’ada Duulista Rayidka Hawada.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedlka lasoo raaciyay “Ma jirto amni xumo iyo halis badqab oo ka jira hawada Soomaaliya”.

Warkan ayaa soo baxay saacado uun kadib markii khatarta shil diyaaradeed uu shalay ka dhacay hawada Soomaaliya, ka gadaal markii isku cabir lagu hagay oo amarro khaldan la siiyey diyaarado ay lahaayeen shirkadaha Qatar Airways iyo Ethiopian Airlines.

Labadaas diyaaradood oo rakaab sida ayaa ka soo kala duulay magaalooyinka Addis Ababa iyo Doha, waxayna u kala socdeen Kampala, Uganda iyo Dubai, Imaaraadka, waxayna khatartaas ku galeen hawada gobollada waqooyi.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, labadaan diyaaradood oo ku kala socday labo qad ayaa la isku hagay, waxaana la isugu keenay hal qad si ay isugu dhacaan, balse waxay ku kala badbaadeen daqiiqado aad u yar.

Amarka qaldan ee khatarta geliyey diyaaradahaas waxaa naloo sheegay in laga siiyey Hargeysa, balse diyaaradaha ayaa bixiyey digniinaha khatarta muujiya, waxayna labada duuliye ku guuleysteen inay kala badbaadiyaan diyaaradaha rakaabka badan siday.

Weli waxaa la isku heystaa maamulka hawada Soomaaliya, murankaan ayaa taagan muddo ku dhow labo todobaad, kadib markii maamulka Somaliland go’aansaday carqaladeynta shaqada maamulka hawada dalka.

Shirkadaha duulimaadyada caalamiga ah qaarkood ayaa horay Soomaaliya ugu dacweeyey hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan duulimaadyada rayidka ah, balse Soomaaliya ayaa ka soo jawaabtay dacwadahaas.