Reer AWDAL oo si weyn ugu kala qeybsamay kulan xasaasi ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay magaalada Muqdisho ka qabsoomay kulan xasaasi ah oo lagu muujinayay taageerada Awdal State, kaasi oo hal-ku-dhigiisu ahaa “Kulanka hoggaanka dhaq-dhaqaaqa Awdal iyo dhalinyarada gobolka Awdal”.

Kulankaan oo ka dhacay Hoteel Doorbin ee magaalada Muqdisho oo sidoo kale lagu sheegay wada-tashi ayaa waxaa durba hareeyay buuq xooggan, ayada oo ay soo baxeyso in kulankaasi aysan u dhameyn reer Awdal.

Qaar kamid ah hoggaanka dhalinyarada reer Awdal iyo Gabiley oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in kulankaasi aan loo dhameyn, islamarkaana uu yahay mid ay wateen dad dano shaqsi ah leh, sida ay sheegeen.

Kulankaasi ayaa la sheegay in ay soo abaabusheen dhalinyaro la sheegay inay naas-nuujiyaan xubno ku jira dowladda federaalka Soomaaliya, xilli ay dowladda federaalka ah ay taageero u muujisay Awdal State, oo ayadu awood muuqata ku laheyn gudaha gobolka ay sheegato ee Awdal iyo guud ahaan gobollada Galbeedka Somaliland.

Awdal State ayaa dib boorka looga jafay kadib markii ay Somaliland lumisay Laascaanood, oo haatan ay ka taliso SSC-Khaatumo, oo sanadkii tegay aqoonsi KMG ah ka heshay dowladda federaalka Soomaaliya.

Prof. Cabdisamad Ibaraahim Nageeye oo isagu sheegta madaxweynaha Awdal State ayaa dhawaan xaflad lagu qabtay Muqdisho ka sheegay inuu la dagaalami doono maamulka madaxweyne Muuse Biixi.

Waxa uu markaasi sheegay in Soomaalinimadu ay ka go’an tahay dadkiisa reer Awdal, gumeysina aysan hoos tegi karin, haatana ay diyaar u yihiin inay ka dagaalamaan dulmiga Muuse Biixi.

“Waxaan ballan-qaadeyna in aan dagaalami doono, kaliya waxan idinka rabnaa Soomaaliyey inaad nagu garab istaagtaan, anaga ayaa diyaar u ah in aan u dhimano dhulkeena,” ayuu yiri Prof. Nageeye.