NISA oo xirtay sarkaal sare oo ka tirsan hay’addii uu ka shaqeynayay Cabdinaasir

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa maanta soo xirtay Mubaarik Nuur Cali oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Mubaarik oo ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobolka Awdal ayey NISA usoo xirtay si ay su’aallo u weydiiso.

Mubaarik ayaa kamid ah shaqsiyaad ay hay’adda hore ula yeelatay wareysi la xiriira kiiska xasaasiga ah ee Agaasimihii waaxda diyaaradaha ee hay’adda duulimaadka rayidka, kaasi oo dhawaan maydkiisa laga helay hoyga uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

NISA ayaa horey xog wareysi ula yeelatay inta badan shaqaalaha hay’adda duulista rayidka Soomaaliya oo uu ka tirsanaa Cabdinaasir Dahable oo maanta lagu aasay gudaha Somaliland, oo uu kasoo jeeday.

Marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable ayaa maanta magaalada Gabiley loogu sameeyay aas qaran, kaasi oo ay ka qeyb-galeen madaxda u sareys Somaliland oo ugu horreeyo madaxweyne Muuse Biixi iyo boqollaal ka tirsan shacabka kala duwan ee reer Somaliland.

Si kastaba, Arrimahaan ayaa imaanaya, xilli aan weli la ogaan cidda dishay marxuumka, maadaama kaligiis uu deganaa guri ku yaalla agagaarka garoonka Aadan Cadde, ayna socdaan baaritaanno ku aadan dhacdadaasi, sida ay sheegtay dowladda federaalka Soomaaliya.