Muuse Biixi oo ku dhawaaqay arrin weyn oo ka dhalaneysa dilka Cabdinaasir Dahable

Gabiley (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Gabiley uga qeyb-galay aas qaran oo loo sameeyay marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo dhawaan lagu dilay magaalada Muqdisho.

Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Cabdinaasir Dahable ayaa waxa madaxweyne Biixi kala qayb-galay guddoonka golaha wakiillada, xubno ka mida baarlamaanka, golaha wasiirrada, madax ka socotay xisbiyada mucaaridka, madax-dhaqameed, siyaasiyiin, ganacsato, haldoor iyo boqollaal ka tirsan shacabka kala duwan ee reer Somaliland.

Ugu horrayn, waxa goobta jinaasada hadallo tacsi ah ka jeediyey xubno katirsan golaha wasiirrada, kuwaasi oo tacsi u diray ehelka iyo qaraabada uu ka baxay marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo si arxan daran loogu dilay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo halkaas ka hadlay ayaa tacsiyeeyay ehelka iyo qaraabada uu marxuumku ka baxay iyo guud ahaanba Somaliland, wuxuuna si cad u sheegay in laga xisaabtami doono dilka marxuum Cabdinaasir Dahable.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dilka Cabdinaasir Dahahble uu abuurayo colaad riiq-dheeraata oo u dhaxeysa Somaliland iyo Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Tan oo oo kale looma Ooyo ee waddo loo maro ayey leedahay, dadweynahana waxa aan leeyahay calaacal iyo Oohin midna ma laha ee weynu u ducaynaynaa. Somaliland-na colaadda ay tan ka qaaddo tii hore way ka weynaanaysaa, waayo waa wax aan hore inoo soo marin,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu su’aal geliyey sababta keentay dilka marxuum Cabdinaasir oo shaqaale rayid ah, kana durugsanaa arrimaha siyaasadda la xiriira, oo uu sheegay in uusan shaqo ku laheyn.

“Ninkani siyaasi muu ahayn, cid ma maagin ee diyaaradaha shacabka iyo sida loola hadlo uun buu yaqaanay, taasina wax qarsoodi ah ma ahee dowladda Xasan Sheekh waxan leeyahay ninkani muxuu mutaystay ee lagu dilay, taasi oo jawaabteeda haddii la waayona waa badheedh,” ayuu yiri madaxweyne Biixi.