Maxay Erdogan iyo boqor Salman ku heshiiyeen kadib wada hadalkii dhex-maray?

Riyadh (Caasimada Online) – Wakaalladda Wararka Turkiga ee Anadolu ayaa shaacisay inay Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan uu khadka Telefoonka kula hadlay Boqor Salmaan Bin C/casiis.

Labada Hoggaamiye waxay ka wada hadleen natiijadda baaritaanka dilka AUN Jamaal Khashoggi oo la filayo in Turkiga uu isna si rasmi ah u shaaciyo.

Madaxweynaha iyo Boqorka ayaa waxa uu wada-hadalkooda ku soo beegmay iyadoo Dowladda Sacuudiga qiratay mas’uuliyadda dilka Jamaal Khashoggi oo gilgilay dunida.

Wakaalladda Wararka Sacuudiga ee SPA ayaa shaacisay in 18 qof loo diray arrintaasi, Lana hor keeni doono Sharciga.

Sidoo kale, dareewalkii Qunsulkii Sacuudiga ee magaallada Istanbul, Maxamed Al-cuteyba ayaa la sheegay inuu gacan ka geystay helitaanka maydka Saxafigii la la’aa tan iyo bishan October 2-dii.

Dhinaca kale, Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan iyo Boqor Salmaan Bin C/casiis ayaa isla fahmay arrinta dilka Jamaal, waxa ayna sidoo kale isla meeldhigeen hanaanka shaacinta natiijada ay dowlada Turkiga ka heshay baaritaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com