Maxay iska shabahaan Boris Johnson iyo Muuse Biixi?

Tobankii qof ee meel wada istaaga dalkani ingiriiska, waa hubaal in shan qofna ay magaca Boris Johnson markay maqlaan ka boodan ama aanay jeclayn, shan qofna ay la dhacaan kuna tilmaamaan geesi aan gaban oo hogaanka dalka ingiriisku tabayo wakhtigani.

Waa 55 sanno jir, wuxuu ku dhashay magaalada New York ee dalka maraykanka, taasi oo ka dhigaysa marka loo eego sharciga dalka maraykanka inuu sidoo kale yahay muwaadin u dhashay dalka maraykanka, balse weligii muu raadsan mana codsan jinsiyadda dalka maraykanka.

Mr. Johnson wuxuu ka soo jeeda qoys isku jir ah, waxaa awoow u ah Cali Kemal oo awoowgii Aabo ah, Cali Kemal ayaa ahaa suxufi Turkey caan ah waagii dawladdii cusmaaniyaddu dunida xukumaysay.

Hooyadii waxay ka soo jeeda magaalada Kent ee dalka ingiriiska, balse ayeydii hooyo ayaa ah Faransiis ah.

Mr. Johnson wuxuu wax ku bartay iskuulka caanka ah ee loo yaqaano Eton, ee ay badiba ka baxeen raysal wasaarayaashii dalkani ingiriiska soo xukumay, wuxuu markii danbana ka baxay jaamacadda weyn ee Oxford University oo uu ka bartay cilmiga siyaasadda.

Noloshiisa badankeeda wuxuu ku jiray siyaasadda, balse magaciisa ayaa soo shaac baxay bishii May sannadkii 2008-dii markaasi oo loo doortay inuu noqday Maayarka ama duqa magaalada London, isagoo doorashada kaga adkaaday Ken Levingston oo ahaa Aabahii Maayarnimada magaalada London aas-aasay

Doorashadii guud ee dalka ingiriiska ka dhacday sannadkii 2016 kii, ayuu dib ugu soo laabtay guriga baarlamaanka, wuxuuna bilo ka dib noqday wasiirka khaarajiga ama arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska, xukuumadii Theresa May, balse xagaagii sannadkii hore ayuu iska casilay xilkaasi markii uu ka aragti duwanaaday qaabka raysal wasaare May ay u wadday wada hadaladda ka bixitaanka midawga Yurub (Brexit negotiations).

Boris Johnson Iyo Muuse Biixi Maxay Iska Shabahaan?

Boris sida Muuse Biixi waa siyaasi dadka kala qaybiya, faaleyayaasha siyaasadda dhinaca midigta xigta, ayaa ku tilmaama inuu yahay xidig adag oo xisbiga Conservative ka u noqon kara hogaamiye aan la loodin karin.

Halka siyaasiyiinta qunyar socodka ah ee xisbiga Conservative ka iyo bulshada ingiriiska badiba dadka u codeeya siyaasadda midigta dhexe, ay ku tilmaameen inuu yahay siyaasi dhac-dhac badan, fudud, isla markaana aan midayn karayn wakhtigani dalka ingiriiska oo aad dadku ugu kala qaybsameen aragtida qaabka looga baxayo midawga yurub.

Xagaagii hore mar uu la hadlaayay weriye ka tirsan wergeyska Telegraph, ayuu aflagadeeyay marada ay haweenka muslimiintu wajiga ku xidhaan, isagoo ku tilmaamay muuqaal u eg daloolka waraaqaha boosta laga soo dhex saaro.

Taasi waxay ku keentay gilgil baaxadleh gudaha xisbiga Conservativeka , iyadoo ururadda Islaamka ee dalka ingiriiskuna ku tilmaameen in Xisbiga Conservativeku yahay xisbi neceb muslimiinta.

Xagaagii sannadkii 2016 kii mar uu madaxweyne Obama ku joogay dalka ingiriiska safar, ayuu ku tilmaamay inuu yahay Nin madaw Kenyan ah oo ay ku jirto cuqdad uu ka qabo gumaystahii ingiriiska oo Aabahii u shaqayn jiray, isagoo marka daba socday hadal madaxweyne Obama ku sheegay in haddii ingiriisku ka baxo EU-da aanu maraykanku siin doonin, ingiriiska ahmiyad weyn oo dhaqaale, iyadoo marka loo diyaar garoobaayay ololahii aftida dalka ingiriiska, hadalka ka soo baxay Mr. Johnson ee uu ku ganay madaxweyne Obama, ayaa siyaasiyiin xisbigiisa ka tirsani ay si weyn u dhaleeceeyeen, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay cunsuri, siyaasiyiinta dhaleeceeyey waxaa ka mid ahaa raysal wasaarahii hore ee dalka ingiriiska David Cameron.

Mr. Johnson, ayaa dadka ka soo horjeeda ku tilmaameen istus, aan timahiisa dheer ee cad sidii loo hagaajin lahaa aan dhaafsiisnayn, halka qaarkoodna ay la barbar dhigaan (Mr. Bean ka siyaasadda Britain).

Markuu hadlayo waa nin kaftan badan, oo dadka ka qosliya,culumadda siyaasadda ayaa ku tiriya inuu yahay aftahan siyaasadeed (Political genius) balse aan lahayn haybad hogaamineed (Lack of leadership skill).

Waa hubaal in haddii uu noqdo Raysal wasaaraha dalka ingiriiska, uu si weyn u kala qaybin doono bulshada dalka ingiriiska, sida Madaxweyne Biixi shakhsiyadiisu u kala qaybiso bulshada Somaliland ama Donald Trump ka dalka maraykanku u kala dhantaalay ra’yul caamka maraykan.

W/Q: Maxamed Cabdi Xasan Diridhaba

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid