Maxay isku hayaan NISA iyo Cabdalla Cabdalla?

Waayahan dambe, waxay warbaahinta iyo baraha bulshada aad u hadal hayeen xurguf uu ku lug leeyahay taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya (NISA), Cabdalla Cabdalla, oo maalin ka hor laga xayuubiyay dhamaan darajooyinkii ciidan.

Haddaba waxaan qormadan ku eegeynaa waxa uu yahay khilaafla u dhexeeya Cabdalla Cabdalla iyo hoggaanka hay’adda NISA.

Maxay isku haayaan Cabdalla Cabdalla iyo hoggaanka NISA?

Wareysi uu Cabdalla Cabdalla siiyay VOA markii xilka laga qaaday ka dib ayuu ku sheegay in uusan ogeyn sababta xilka looga qaaday.

Mas’uulkan muddo dhowr sano ah ayuu u shaqeynayay NISA. Inkasta oo dowladdu aysan sheegin sababta xilka looga qaaday, ayaa haddana Cabdalla Cabdalla iyo Taliye kuxigeenkii kale ee hay’adda (NISA) Cabdiqadir Maxamad Nuur, oo Jaamac ku magac-dheer, waxaa labadaba la casilay ka dib laba toddobaad oo qaraxyo is xig-xigay lala beegsaday agagaarka madaxtooyada, kuwaas oo ay dad ku dhinteen, kuna dhaawacmeen.

Waxaa lagu beddelay Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya.

Jaamac waxaa loo magacaabay inuu la taliye u noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka, laba maalmood markii xilka laga qaaday. Sidaa darteed, warbaahinta lama hadlin, wax eed ahna ma jeedin.

Cabdalla Cabdalla iyo warbaahinta

Xil ka qaadista ka dib, Cabdalla Cabdalla waxaa uu ka hadlay warbaahinta, waxaana uu si qota dheer uga hadlay xaaladda hay’adda NISA, isagoo xitaa sheegay in xafiiskiisa la jabsaday.

Cabdalla ma ahayn nin warbaahinta la hadla, laakinse wareysi uu siiyay VOA ayuu ku sheegay in 18-kii ee la soo dhaafay uu ku dadaalay in “madaxweynaha aan la dhumin oo aan la go’doomin,oo xaq u yeesho waxa waddanka ka jira”.

Sirta Dowladda

Dunida inteeda kale, sirdoonka waa hay’adda ugu muhiimsan dalka, taasoo ka shaqeysa amniga waddanka.

Jen Maxamad Ibraahim Guubir, oo ka tirsanaan jiray ciidanka Soomaaliya, ayaa sheegay inay “dembi qaran tahay” in mas’uul sare oo ka tirsan hay’adaha nabadsugidda uu warbaahinta kala hadlo waxyaabo aan loo igman.

Waxaa uu intaasi ku daray Jen Guubar in madaxda amniga ay maraan dhaar ah inay xafidi doonaan sirta qaranka, hadii ay ka baxaana, ay micnaheedu tahay inay ka baxeen “ballantii ay qaadeen”.

Darajo ka qaadista

Ka dib muranka dheer ee u dhexeeyay Cabdalla Cabdalla iyo hoggaanka hay’adda NISA, ayaa ugu dambeyntii madaxweynaha Soomaaliya wuxuu darajadii ciidan ka xayuubiyay Cabdalla Cabdalla.

Jen Guubir oo aan arrintaasi wax ka weydiinay ayaa sheegay in madaxweynaha uusan darajada ciidan iskii u xayuubin Karin.

Guubir wuxuu kaloo sheegay inay ahayd in guddi qaran loo saaro howshan.

Waxaa uu leeyahay “in kasta oo ay khalad tahay in taliye hore oo amni uu sirta dowladda kala hadlo warbaahinta, aysan haddana sax ahayn in si fudud darajo ciidan lagu xayuubiyo. Waxay in guddi qaran uu go’aankaasi gaaro, baaritaan qoto dheer ka dib”.

Khilaafkan meeshiisii ugu sarraysay gaaray ee keenay in darajo xayuubinta mooyee xataa laga saaro sarkaalkaas xubinnimadii NISA ayaa loo aanaynayaa laba sababood.

Mid waxay salka ku haysaa xil ka qaadidda, lamana shaacin. Inkastoo sababo iyo magacyo shakhsiyaad kale oo xilal haya la isla dhex marayo, haddana xaqiiqda waxaa og inta uu khilaafku u dhaxeeyo.

Tan labaad ee loo jeedo ayaa ah hadalkii uu warbaahinta siiyey Cabdalla Cabdalla. Marka laga yimaado doodda ah in aan laga hadli karin sirta amni ee dalka, haddana waxaa jira xuquuqo u ogolaanaya qofka inuu hadli karo, waxaase jira xuduudo celinaya.

Xuduudahaas miyuu ka gudbay Cabdalla Cabdalla oo ma isagaa khaldan, mise dawladdu way ku fududaatay oo ayadaa ka khaldan? Waa laba su’aal oo aan jawaabtood au daynayno wakhtiga iyo dadka xog-ogaalka ah.

Isha: BBC