Xog: 2 sabab oo keentay in CC SHAKUUR laga reebo isbahaysiga cusub (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa socota qaban qaabada lagu dhisayo xisbi isbahaysi weyn oo ay ku midoobayaan Daljir iyo Damujadiid. Arintan ayaa xoogeysatay markii uu madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Shiekh dhawaan dalka ugu soo laabtay.

Isbahaysiga ayaa markii hore la filayey in uu qeyb ka noqdo siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah dadka sida weyn uga soo horjeeda dowladda hadda jirta. Hase aaatee, waxaa soo baxaya warar sheegaya in ay Daljir iyo Damujadiid dib u gurasho ka sameeyeen wax ku darsiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Ilo la socda dhaq dhaqaaqyada lagu dhisayo Isbahaysiga uu hormuudka u noqon doono Xassan Shikeh ayaa laba arrimood u anaaneeyey in Isbahaysiga laga fogeeyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur

1 – Daljir Iyo Damujadiid oo Shaarkooda Ilaashanaya Labada kooxood, Daljir iyo Dhamujadiid ayaa fallanqeyn dheer kaddib la warinayaa in ay isla garteen sumadda ku dhaggan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee ah arrinta “Badda” in ay dhaawici karto sumcadda xisbiga ay sameynayaan

2 – Siyaasiyiinta labada kooxood ee Damujadiid iyo Daljir oo u badan Habargidir, Qodobkan ayaa isna ku noqday laf dhuun gashay rabitaankii Cadiraxmaan Cabdishakuur ee ka mid noqoshada xisbiga weyn ee ay soo wadaan Daljir iyo Dhamujadiid.

Siyaasiyiin labada garab ku jira oo ay isku han yihiin Cabdiraxmaan ayaa u arkay in uu culeys ku noqon doono haddii ay kula midoobaan hal isbahaysi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com