Mareykanka oo safaaraddii Falastiin ee Washington DC u xiray sabab yaab leh

Washington DC (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa xiray xafiiskii [safaaraddii] Falastiin ee Washington iyada oo uga gol leh in ay cadaadis hoggaanka Falastiiniyiinta ku saafta ka tanaasulidda ololaha Israel ka dhanka ah ee ay geysay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada, International Criminal Court (ICC).

Mas’uul sare oo ka tirsan Falastiiniyiinta ayaa sheegay in xafiiskiisa go’aankaas lagu soo wargaliyey iyada oo loogu daray in Mareykanku uu tallaabadan u qaaday in uu ku Israel dambiyadeeda ku badbaadiyo.

Si kastaba qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa lagu sheegay in safaaradda loo ogolaaday inuu ahaa in looga shaqeeyo nabad dhex marta Israel iyo Falastiin, taasi oo Falastiiniyiinta ay ku guul-darreysteen.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in Falastiiniyiinta ay diideen qorshihii nabadda baraga dhexe ee madaxweyne Trump, ayaga oo aan xitaa arkin.

Qorshahaas ayaa waxaa qeyb ka ah in magaalada Qudus ay tahay magaalo Yahuudeed oo anaay Falastiiniyiinta sheegan karin, sida la tuhunsan yahay. Maamulka Trump ayaa horey Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

“Waxaan ku celinayaa in xuquuda dadka Falastiin aysan iib ahayn, iyo in aynaan isu dhiibi doonin hanjabaada iyo guul guulka Mareykanka,” waxaa sidaas yiri Saeb Erekat, oo ah diblomaasi sare oo Falastiini ah.

“Sida ay tahay, waxaan sii wadi doonnaa in aan maxkamadda dambiyadda caalamiga ah in ay si deg deg ah baaritaan ugu sameyso dabiyada Israel,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Caasimada Online
Xafiiska Washington DC
Caasimada@live.com