Boqor Salman walaalkiis oo ku fakaraya go’aan ruxi doona BOQORTOOYADA

London (Caasimada Online) – Amiir sare oo reer Aala Sacuud Ah ayaa qorsheenaya in uu dibad joog noqdo, oo uu dalkiisa ka goosto kaddib markii uu ku eedeeyey Boqor Salmaan iyo dhaxal suge Mohamed Salmaan dagaalka Yaman, sidaas waxaa laga soo xiganayaa mareegaha Middle East Eye (MEE).

Mareegaha fadhigiisu yahay UK, oo soo xiganaya il aan la magacaabi oo ku dhaw amiir Axmed Cabdulcasiis ayaa jimcihii sheegay in Boqor-ka Sacuudiga walaalkii laga yaabo in uusan ku laaban Sacuudi Careebiya kaddib hadallo laga maqlay muuqaal oo la soo dhigay internet-ka toddobaadkii tegay.

Muqaalka, amiir Axmed oo ka mid ah dhawrka wiil ee ka haray aas aasihii boqortooyada ayaa la maqlayey isaga oo  u jeedinaya dibad baxayaal ka soo horjeeda dagaalka Yemen oo isugu yimi deegaan ka tirsan London in aan dagaalka Yamen lagu dhalleeceyn dhammaan qoyska.

“Waxaa jira dad gaar ah oo mas’uuliyadda leh. Ha eedeyn dhammaan qoyska,”  ayuu yiri Amiirka.  Mar la weydiiyey kuwa ay yihiin shaqsiyaadkaas, amiirka waxa uu yiri: “Waa boqorka iyo dhaxal sugihiisa” “Yaman iyo meelaha kale, rejedeenu waa in dagaalku dhammaado maanta iyo berri kahor.”

Muuqaalka waxa uu si weyn ugu baahay Internet-ka ayaa dhaliyey warar la’isla dhexmaray oo sheegayey in xasillooni darro ka dhex bilaabatay qoyska boqortooyada ee Sacuudiga.

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Sacuudiga ayaa soo saaray warbixin ku saabsaneyd amiir Axmed waxyar kaddib markii la daabacay muuqaalka, taas oo ay ku sheegeen in fasiraddii laga bixiyey hadalkiisa aysan sax ahayn.

“Waan caddeeyey in boqorka iyo dhaxal sugaha ay mas’uul ka yihiin dowladda iyo go’aamadeeda,” ayuu amiirka ku sheegay warbixinta.

“Tani waxa ay ka run sheegeysaa ammaanka iyo xasilloonida dalka iyo dadka. Sidaas daraadeed, ma aha suurtagal in wixii aan sheegay sida kale loo fasiro.”

Hase yeeshee, MEE waxa ay sheegtay in isha ay soo xigatay in ay bayaanisay in amiir Axmed uu ku adkeystay hadaladdiisii hore.

“Waxa uu sheegay in warbixinta wakaaladda wararka ee ay dowladda maamusho iyo ereyada ay soo xigatay wakaaladda aysan aniga ahayn,” sidaas waxaa warisay MEE.

XARIG BADAN

In bulshado aragtidooda cabbirto waa mid naadir ka ah boqortoyaa, halkaas oo ay dowladda  iyo boqortooyada ay dadka wax dhalleeceeya kala kulmaan xarig muddo dheer ah, jir dil iyo ganaax lacageed oo qaali ah.

Dad badan oo ka tirsan qoyska boqortooyada, wasiirro iyo ganacsato sar sare ayaa la xiray bishii Nofeembar 2017 xilli uu socday “Cirib tirka musuqa” oo uu ku dhawaaqay Maxamed Bin Salman. Eedeemaha ka dhankaah kuwa la xiray waxaa ka mid ahaa lacago la lunsaday, laaluush iyo qasbdda mas’uuliyiinta.

Qab qabashadaas waxa ay ka dhalatay amar ka soo baay boqortooyada oo lagu sheegau in looga jawaabayey “Kuwa daciifka ah ee danahooda gaarka ah ka horumarinaya danta guud, si ay lacag sharci darro ah u helaan.”

In badan oo ka mid ah waa la soo daayey kaddib markii ay heshiis la galeen dowladda waxaana ka mid ahaa bilyanneerka ahna ganacsadaha reer Sucuudi, amiir Alwaleed bin Talal.

Khuburo ayaa ku doodaya in xir xiritaankaas ay ahayd qaab uu ku doonayey dhaxal sugaha in uu ku mideeyo awoodda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Sucuudi Careebiya.

Amiir Axmed hore waxa uu u ahaa wasiirka arrimaha gudaha intii u dhexeeysay Juunyo iyo Noveembar 2012 xilligaas oo uu talada hayey boqorkii geeriyooday ee Boqor Cabdalla kahor inta aan lagu bedelin amiir Maxamed Bin Nayf.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com