Farmaajo oo ku dhawaaqay magacyada 6-da xarun ee lagu dhisayo is-xilqaam

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaday in dowladiisu ay Barnaamijka lagu magacaabo Isxilqaan ku dhiseyso ku dhawaad 6 Xarumood oo muhiim ah.

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Khudbad ka jeedinaayay kalfadhiga 4-aad ee Golaha Shacabka ayaa sheegay in dowladiisa ay ku guuleysatay qorshaha lagu dhisaayo 6-da Xarumood.

Farmaajo waxa uu ujeedka barnaamijkaasi ku sheegay mid muwaadiniinta Soomaaliyeed ay dhismaha wadanka uga qeyb qaadanayan si loo soo celsho bilicda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowlada Somalia ay xooga saareyso sida lagu soo nooleyn lahaa dhismayaasha goobaha muhiimka u ah dowlada, waxa uuna cod dheer ku sheegay goobaha la dhisayo, cidda ka qeybgaleysa iyo xilliga ay shaqooyinkaas qabsoomayaan.

Waxa uu shaaciyay 6-da xarumood ee muhiimka ah isla markaana lagu dhisaayo Barnaamijkan is xilqaam kuwaa oo kala ah:-

1-Xarunta Madxafka qaranka

2-Xarunta Golaha Murtida iyo wacyigelinta dadweynaha

3-Xarunta Maktabadda qaranka

4-Xaruntii dhexe ee Xisbiga

5-Muqdisho Istaadiyoom

6-Cisbitaalka Banaadir

Madaxweyne Farmaajo oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Barnaamijka isxilqaan waa olole dadweyne oo ku dhisan iskaashi si loo dhiso dugsiyadda, waddooyinka, goleyaasha murtida iyo wacyigalinta, jardiinooyinka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee guud ahaan dalka”.

Si loo fuliyo Barnaamijka Isxilqaan ayuu sheegay Madaxweynuhu in loo mari doono guddi heer qaran oo ka kooban wasaaradaha ku shaqada leh ee xukumadda, bulshada rayidka ah, culumada iyo ciidamada.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay Ololaha Isxilqaan 26 bishii Juun ee sanadkan kaasi oo iminka laga soo xareeyay dhaqaale xoogan oo kaafinkara dhismaha xarumahaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com