Baarlamaanada Galmudug iyo HirShabelle oo go’aan ka qaatay shirkii Kismaayo

Jowhar (Caasimadda Online) – Cali Gacal Casir Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka  Galmudug oo  maanta ka hadlayay furitaanka kalfahiga 4aad ee Golaha Shacabka ayaa  waxaa uu  sheegay in shirkii dhawaan lagu soo gaba gabeeyay Magaalada  Kismaayo  uu yahay mid aan wax wadatashi ah laga sameyn.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in shirkii  Madaxda Maamul gobaleedyada uu yahay mid  lagu kordhinayo dhibaatooyinka  ka jira  deegaanada galmudug,waxaa uuna shirkaasi ku tilmaamay mid ay ku riyoodeen.

Dhawaan ayay aheyd markii  War murtiyeed ka soo baxay Madasha dawlad gobaleedyada Soomaaliya ay sheegeen  in ay  hakiyeen  dhamaan wada shaqeyntii ay la lahayeen dawladda Faderaalka Soomaaliya.

”Warka ka soo baxay Shirkii Kismaayo waa mid lagu kordhinayo dhibaatooyinka  ka jira Galmudug,waana mid aan waxba ka jirin oo riyo ah, Wixii ka soo baxay shirkaas leyskalama tashan mana na meteli karaan,waxana codsaneynaa in ilgaar ah lagu haayo

Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Cusmaan Barre Maxamed aya isna waxa uu sheegay in dowladda iyo dowlad Goboleedyadu aysan aheyn kuwo kala maarma.

“Dowladdu waa jir, dowlad gobolleedyaduna waa xubin. Xubin iyo jirna kalama maarmaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo soo sirasia ah u furay kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com