Mahad Salaad: Dhacdo ugub ah ayaa ka dhacday furitaanka kalfadhiggii BF

Muqdisho (Caasimadda Online) – Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa shaaca ka qaaday in furitaanka kalfhigga baarlamanka Soomaaliya ee maanta uusan noqon sidii la filayey, ayada oo xubnaha Aqalka Sare ay diideen, kuwa Aqalka Hoose-na ay waxyar ka yimaadeen.

Waxa uu sidoo kale shaaca ka qaaday in ay xarunta ka dhacday dhacdo ugu ah, oo ah in dad laga soo ururiyey degmooyinka gobolka Banaadir oo u badan haween lagu soo buuxiyey xarunta. Hoos ka aqriso qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook.

Halkaan waa Akadeemiyada Booliska Jeneraal Kaahiye (Scuola Polizia). Saakay waxaa lagu balansanaa in uu ka furmo kalfadhiga Goleyaasha Barlamaanka Federaalka labadiisa Aqal (Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare).

Xildhibaanada Aqalka Sare ma imaanin xarunta saakay. Waana diideen in ay ka qayb noqdaan furitaanka Kalfadhiga. Sidoo kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ee madasha xoo xaadiray aad ayay u yaraayeen marka la barbardhigo furitaanadii midkaan ka horeeyay!

Sidoo kale waxaa hoolka soo buuxdhaafiyay dhowr boqol oo haween ah oo laga keenay degmooyinka Gobolka Banaadir oo wata sawirada Madaxweynaha iyo calamada Gobolka Banaadir. Taasoo ah dhacdo ugub ku ah furitaanada kalfadhiyada Goleyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya!

Waxay arimahaani kusoo aadayaan iyada oo maanta magaalada Mogadishu uu ka dhacay qarax aad u xoog badan dhimasho iyo dhaawacna geystay. Sidoo kalena uu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Madaxda Dowlada Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo gaaray heerkii ugu sareeyay.

Hon. Mahad Salad

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com