Cabdalla Cabdalla oo lagu xanibay garoonka XAMAR, lagana dhigay baasaboorka

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliye ku xigeenkii hore ee NISA Jeneral Cabdalla Cabdalla ayaa maanta dhowr saacad ku xanibnaa garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo loo diiday inuu ka dhoofo, sida ay sheegayaan warar lagu kalsoon yahay.

Cabdalla Cabdalla ayaa wararku sheegayaan in loo diiday inuu ku safro baasaboorka diblomaasiga Soomaaliya ee uu haystay, loomana sheegin wax sabab ah.

Dood dheer kadib ayaa la sheegay in Cabdalla Cabdalla loo ogolaaday inuu garoonka ka baxo, isaga oo ku safray baasbaoorka dalka Jabuuti oo uu haystya. Weli dowladda arrintan wax war kama soo saarin.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in xayiraaddiisa anaay la xiririin amar ka dhan ah inuu ka baxo dalka, balse ay ahayd in loo diidanaa kaliya baasaboorka diblomaasiga. Waxaan caddeyn sababta dowladda aysan baasaboorka uga nasakhin haddii aysan dooneyn inuu adeegsado, oo ay ula sugtay illaa uu garoonka ka yimaado.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa dhowaan

ka dhigay dhammaan darajooyinkii ciidan, kana ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed keddib soojeedin ka timid Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Warqadda soojeedinta ah oo Madaxweynaha kasoo gaartay Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen ee loo cuskaday go’aankan ayaa lagu caddeeyay in sarkaalkan uusan kasii mid ahaan karin hay’adda iyada oo la tix raacayo go’aankii ay gaareen guddiga anshaxa.

“Sarreeye Guuto Cabdalla Cabdalla Maxamed waxaa laga dhigay dhammaan darajooyinkii ciidaan, isla markaana waxaa laga ruqseeyay hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliyeed sababo la xiriira xadgudub sharciga ciidamada qalabka sida iyo xeer hoosaadka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.” Ayaa lagu sheegay wareegtada.