Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalintii shalay magaalada Muqdisho lagu doortay hogaanka aqalka sare ayaa qaar kamid ah xildhibaanada aqalka sare waxay ka hadleen doorashadaasi iyo waxay ka dhigan tahay.
Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ahna xildhibaan ka tirsana aqalka sare ee baarlamaanka ayaa shaaciyay in doorashada Cabdi Xaashi tahay horumar iyo guul la gaaray.
Wuxuu dhinaca kale sheegay inbeel ahaan Cabdi Xaashi uu kasoo jeedo gobolada waqooyi ee dalka, taasina ay la micno tahay in Somaliland ay ka mid tahay Soomaaliya oo wali aysan ka bixin Soomaalinimada.
Wuxuu sidoo kale sheegay inay jiraan tabashooyin badan oo ay qabaan Shacabka Somaliland, balse arimahaasi la dhameyn doono mar haddii la doortay Cabdi Xaashi.
Doorashada Cabdi Xaashi, ayaa muujinaya in beelaha ugu waaweyn Soomaaliya ay heleen xilal sar sare halka beelaha kale la siinayo xilal hoose.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

