Maxay ka dhiggan tahay booqashada AFWERKI ee magaalada MUQDISHO?

Madaxweynaha dalka Ereteriya mudane Isaias Afwerki ayaa saaka soo gaaray caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Madaxweyne Afwerki ayaa booqasho labo maalmood qaadanaysa ku joogi doona Muqdisho, isaga oo wadahadallo la yeelan doona dhiggiisa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xiriirka Soomaaliya iyo Ereteriya

Soomaaliya waxay qayb libaaxle ka qaadatay halgankii ay dadka reer Ereteriya u galeen helidda madaxbannaanidooda. Dowladda Soomaaliya waxay dhaqaale ahaan, tababbar ahaan, iyo saanad ahaanba u taageertay jabhaddii EPLF, oo uu Madaxweyne Afwerki hoggaaminayey. Sidaasi awgeed, xiriirka labada dal waa mid soo jireen ah, waxana xusid mudan in labada shacab isu hayaan kalgacayl iyo walaaltinnimo ku qotonta danaha istaraatijiga ah ee ka dhexeeya.

Isdhexgalka dhaqaale ee gobolka

Muddooyinkii danbe waxa gobolka Geeska Afrika ka socdey dhaqdhaqaaqyo isbeddel kuwaasi oo lagu furfurayo siyaasadda gobolka. Waxaa heshiiyey waddamo badan oo ay awel colaadi dhex taalley, waxana guud ahaan dalalka Geeska Afrika isla qaateen in dantu ugu jirto inay gacmaha isqabsadaan oo iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha iyo amniga. Iyada oo taas laga shidaal qaadanayo ayaa madaxda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Ereteriya bilaabeen qorshe lagu xoojinayo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska, taasi oo fursad u noqonaysa ganacsatada Soomaalida iyo guud ahaan kuwa Geeska. Sidaasi aawadeed, booqashada Afwerki waxay sidoo kale qayb ka tahay sii xoojinta hindisaha isdhexgalka dhaqaale ee Geeska.

Qodobbada la filayo in laga wada hadlo

Labada Madaxweyne oo isla sannadkan labo jeer ku kulmay dalka Ereteriya, ayaa la filayaa inay dhammaystitaan wadahadalladii hore u soo socdey ee ku aaddanaa iskaashiga labada dal iyo abuuridda xiriir qotodheer oo dhexmara labada waddan. Waxa kale oo la isla soo qaadi doonaa danaha badan ee labada waddan ka dhexeeya iyo sidii midba midka kale uga taageeri lahaa dhinacyada dibloomaasiyadda, dhaqaalaha iyo amniga.

Maxay ka dhigan yahay imaanshaha Afwerki?

Booqashada Madaxweyne Afwerki ee caasimadda dalka Soomaaliya waxay ka dhigan tahay qodobbada soo socda:

1. Waxay booqashadani caddayn u tahay in amniga magaalada Muqdisho uu aad uga soo raynayo maaddaama oo ay markii hore aad u adkayd in qof meeqaam sidaas u sarreeya leh uu soo booqdo caasimadda isaga oo labo maalmood joogaya.

2. Waxay muujinaysaa xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Ereteriya oo wax badani ka dhexeeyaan in uu soo fiicnaanayo.

3. Waxay booqashadani ka marag kacaysaa furfurnaanta siyaasadda arrimaha dibedda ee dowladda uu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

4. Waxay muujinaysaa in Soomaaliya soo ceshanayso booskii ay adduunweynaha kaga jirtey, isla markaana ay tahay dal si firfircoon uga qayb qaadanaya siyaasadda gobolka iyo guud ahaan tan caalamka.

Gebo-gebo

Ugu danbayntii, booqashada Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa la filayaa inay ka soo baxaan qodobbo miradhal ah oo waxtar u leh shacabka iyo dowladaha labada dal. Booqashadani waxay kor u qaadaysaa sumcadda magaalada Muqdisho, waxayna farriin u diraysaa adduunweynaha si loo garwaaqsado horumarka dhinaca amniga ee magaalada ka jira iyo xaqiiqada ah in dowladda Soomaaliya ay dib ugu soo laabatay, door fiicanna ka ciyaarayso saaxadda siyaasadda gobolka iyo tan adduunweynaha.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid